Chelsea Oo Guul darradii 2-aad Ee Xiriir Ah Loogu Xambaariyey Iyo Man City Oo Kusoo Laabatay Waddada Guusha

0

Kooxda kubadda cagta Everton ayaa guul darro xanuun badan usooo xambaarisay Chelsea oo ay 2-0 kusoo garaacday kulan ka dhacay Garoonka Goodison Park, taas oo noqotay guul darradii labaad ee xiriir ah ee naadiga Blues soo gaarta afar maalmood gudahood, halka Everton ay kaga soo baxday khadka Guduudan oo ay soo gashay kaalinta 17-aad ee miiska kala-sarraynta Premier League.

Goolka madiga ah oo uu qaybtii labaad oo sagaal daqiiqadood socotay ciyaarta ku furay xiddiga reer Maali ee Abdoulaye Doucoure  yo mid kale oo uu dhamaadkii saxeexay Lewis Dubbin ayaa Everton siiyey saddex dhibcood oo si weyn niyadda ugu soo celiyey oo ay ay kaga soo baxayaan niyad jabkii ay ka qaadeen toban dhibcood oo laga jaray bishii hore.

Ciyaartaan oo inteeda badan ay maamulaysay kooxda Chelsea ayaa waxa fursadaha ugu badan heshay Blues oo awoodi weyday in ay ka faa’iidaysato maamulka kubadda oo ay shabaqa soo taabato.

Goolhaye Jordan Pickford ayaa laf dhuungashay ku noqday Chelsea oo kubado halis ahaa ka badbaadiyey xisdigaha Raheem Sterling, Broja, Cole Palmer iyo Enzo Fernandez ka hor intii aan waqtiga nasashada loo bixin, halka fursaddii ugu fiicnayd ee Everton uu qaybta hore sameeyey Harrison.

Kolkii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay sagaal daqiiqadood socotay ayay Everton guusheeda meel saaratay, markaas oo uu gool dhalinta furay Doucoure oo dhamaystiray kubbadx uu Sanchez ka badbaadiyey Calvert-Lewin

Kooxdq Chelsea ayaa samaysay dedaal badan si ay iskaga soo bedaan goolka lagala hormaray, waxaana kubbado dhawr ah dhinaca bidix kala soo galay xiddiga Mykhailo Mudryk halka Raheem Sterling uu nasiibku ka diiday in uu shabaqa gaarsiiyo fursado dhawr ahaa.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray kulanka ayay Everton la timid goolka labaad oo si dhab ah ay Chelsea ugu niyad jabtay, waxaana kubbad koorne ahayd oo uu iska saaray goolhaye Petrovic oo lagu beddelay Sanchez oo dhaawaca ku baxay banaanka ka helay Xiddiga Dobbin oo isagoo aan qabanin darbad xooggan oo lugta bidix ah ku laaday, kuna hubsaday shabaqa.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Everton ay kasoo baxday khadka guduudan oo ay ka badbaadayso in ay u dhacdo heerka labaad ee ay halista ugu galeen markii tobanka dhibcood laga jaray, waxayna yeesheen 13 dhibcood, halka Chelsea ay fadhido kaalinta 13-aad oo ay ku haysato 19 dhibcood.

Dhanka kale, Man City ayaa dib ugu soo laabatay waddada guusha ee ay afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka ka maqnaayeen, waxayna 2-1 kaga adkaadeen Luton Town oo gool kala hormartay.

Xisdigaha Bernardo Silva iyo Jack Grealish ayaa dhaliyey goolasha City ee niyadda usoo celiyey City oo afar ciyaarood ku lumisay sagaal dhibcood, waxayna Citizens ku jirtaa kaalinta afraad ee miiska kala sarraynta oo ay ku haysato 33 dhibcood, waxayna laba dhibcood ka dambaysaa Aston Villa oo sadexaad ku jirta.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *