Manchester United Oo Lagu ceebeystay Garoonkeeda Old Trafford

0

Kooxda Bournemouth ayaa 3-0 ku Ceebeysatay Manchester United oo ay marti ugu ahayd garoonkeeda Old Trafford, halkaas oo jamaahiirta Red Devils ay mar kale deris ugu noqdeen murugadii ay filayeen in ay kasoo bogsadaan.

3 gool oo ay qaybsadeen Dominik-Solanke, Marcos-Senesi iyo Philip Billing ayaa Bournemouth siiyey guul ay u qalmaysay oo ay kasoo gaartay Manchester United oo hoygeeda joogtay.

Daqiiqadii 5-aad ee bilowga ciyaarta ayay Manchester United murugada koowaad usoo hoyatay, waxaana gool qurux badan oo cirib ahaa ka dhaliyey laacibkii hore ee Liverpool ee Dominik-Solanke oo la kulmay kubbad uu dhinaca midig kasoo dhiibay Lewis-Cook, taas oo goolhaye Andre Onana uu arkay iyada oo dhinaca midig ka dhaaftay oo shabaqiisa dhax-taalla.

Goolkan ayaa noqday midka niyad jabka waqtiga hore ahaa u geystay naadiga Manchester United ee ay kasoo waaqsan kari weyday, halka Bournemouth ay ku dadaashay in ay shabaqeeda ilaashato, sidoo kalena weerar aan cabsi lahayn ku dheesho.

Naadiga martida ahayd ee Bournemouth, ayaa sidoo kale heshay fursad dahabi ahayd oo hogaanka ay kusii dheeraysan karayeen qaybta horeba, waxaase kubbad uu ku ganay D. Solanke ay ku dhacday birta isagoo waliba dhaafiyey Onana oo ay u ahayd maalin madow.

Xiddiga Solanke ayaa mar kale shabaqa soo taabtay oo dhaliyey kubbad karoos ahayd oo uu ka helay Kerkez oo uu ku qabtay madax, laakiinse waxa markii uu bilaabay dabbaal degga uu arkay iyada oo uu calanku ka taagan yahay dhinaca oo loo sheegayo inuu offside ku jiray.

Kooxda Bournemouth ayaa xaqiiqsatay in ay guuleysayso daqiiqaddii 68-aad oo goolka labaad oo aanu muran ku jirin uu u dhaliyey Phillip Billing oo kubbad uu soo dhiibay xiddiga Tavernier weydaariyey Onana.

Waxa goalkan ka horreeyey kubbad uu Diogo Dalot lasoo galay diilinta ganaaxa oo uu kala baqaylay saaxiibbadii oo shabaqa dhinaca kaga dhuftay.

Daqiiqadii 73-aad ayay Bournemouth keentay goalka saddexaad oo ahaa kubbad ka timid xiddiga Tavernier oo uu madax ku qabtay Senesi oo meel fog oo aanu Onana gaari karaynin kubadda dhigay.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray ayay Bournemouth dhalisay gool 4-aad oo uu garsooruhu diiday markii la xaqiijiyey in ay kubaddu gacanta kaga sii dhacday Outara, taasoo VAR laga soo hubiyey.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *