Bayern Munich ayaa sidii ilmo oo kale dhulka loogu jiiday Deutsche Bank Park

0

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa la kulantay xasuuuq weyn, oo sabab u noqday inay ka sabraan hogaanka horyaalka Bundesliga oo ay si buuxda ula wareegi lahaayeen, waxayna u daayeen oo ay uga hareen Bayer Leverkusen oo wali laba dhibcood ka horeysa.

Guul darro aan meesha lasoo dhiganin iyo bahdilaad ayaa Bayern Munich loogu geystay garoonka kooxda Eintracht Frankfurt ee Deutsche Bank Park, Halkaasi oo ay siday doonto kaga yeeshay, isla markaana ku burburisay 5-1.

Naadiga Munich oo haysatay fursad ay hogaanka horyaalka Bundesliga kula wareegto ayaa iska beer daraysay oo ogolaatay in 5 gool laga dhaliyo labadii qaybood ee ciyaarta, iyada oo Eintracht Frankfurt ay inta badan waqtigii ciyaarta ku dhamaysatay dabbaal degga iyo farxadda goolasha aanay filaynin in ay ku niyad-jabinayaan kooxda 11-ka jeer ee xiriirka ah ku guuleysatay horyaalka Bundesliga.

Xiddiga Marmoush ayaa hogaanka u dhiibay Eintracht Frankfurt daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta, waxaana laba kale oo daran doorri ahaa raaciyey Ebimbe iyo Hugo Larsson ka hor intii aanu Kimmich niyadda usoo celinin Bayern Munich dhamaadka qaybtii hore oo ay hal daqiiqo ka hadhsanayd.

Naadiga Eintracht Frankfurt ma aanay nasanin, waxaana markii lagu soo noqday qaybtii labaad ay sii waday weerarka daadka ah ee ay ku haysay goolka Bayern Munich ee uu waardiyaha ka ahaa Manuel Neuer oo ay caawin waayeen Upamecano, Min Jae Kim, A. Davies iyo Mazraoui oo awoodi waayey in ay joojiyaan kubbadaha daadka ah ee ku socday goolkooda.

5 daqiiqadood oo kaliya markii ay socotay qaybta labaad ayey Eintracht Frankfurt sii dheeraysatay hoggaanka ciyaarta oo ay ka dhigtay 4-1, waxaana mar kale shabaqa soo taabtay Ebimbe, halka Ansgar Knauff uu keenay goolka 5aad ee yimid xilliga ay quusatay Munich.

Natiijadaan ayaa ka dhigan, in Bayern Munich ay haysato 32 dhibcood oo ay ka urursatay 13 kulan oo horyaalka ah oo ay dheeshay, waxyna saddex dhibcood ka dambeeyaan Bayer Leverkusen oo ah naadiga hoggaanka haya ee aan hal-marna laga badinin.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *