Manchester United Oo SADDEX Dhibcood Ka Xoogtay Chelsea Iyo Man City Oo La Garaacay.

0

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa kusoo laabatay wadada guusha, waxaan ay 2-1 ku garaacday Chelsea oo marti ugu ahayd Old Trafford, hase yeeshee waxa guul-darro xanuun badan loo so xambaariyey Manchester City ayaa 2-1 Aston Villa kaga adkaatay, taas oo ka dhigan in saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay Man City lumisay 9-dhibcood oo horyaalka Premier League ah.

 Ciyaarta sida weyn loo sugayay waxay ahayd kulanka Old Trafford oo si weyn indhaha loogu haayay natiijada labada kooxood ee daalaa-dhacaya ee Man United iyo Chelsea, kuwaas oo ku jira xaalado adag oo ay mid walba u baahnayd inay guuleysato kulankan.

Manchester United ayaa rikoodhe heshay daqiiqaddii 6-aad bilowga ciyaarta, markaas oo lugta lagaga istaagay Antony oo kubbad lasoo galay xerada ganaaxa, waxaase rikoodhaha khasaariyey Bruno Fernandes oo uu ka qabtay goolhaye Sanchez.

 

Waqti badan kuma aysan qaadanin Manchester United inay la wareegto hoggaanka ciyaarta, waxaana daqiiqaddii 19-aad goolka furitaanka ciyaarta dhaliyey Scott McTominay oo lugta bidix ku dhamaystiray kubbad uu ka helay xerada ganaaxa oo ay difaaca Chelsea isku dhax qaldeen.

Qadka dhexe iyadoo Manchester United kubbadeedu ka socotay labada garab oo ay bandhig fiican ka samaynayeen Alejandro Garnacho iyo Antony.

Daqiiqaddii 45-aad ee ciyaarta Chelsea ayaa keentay goolka barbarraha waxaana udhaliyey Cole Palmer oo labada kooxoodba ka dhigay kuwo siman oo uu dagaalkoodu dib kasoo bilaabmayo.

Chelsea iyo Manchester United waxay qaybta dambe ku dagaallameen khadka dhexe, iyadoo Red Devils dib u fadhiisatay oo ku dheelaysay weerar rogaal-celis ah.

Alejandro Garnacho ayaa u dhiibay dhinaca bidix kasoo qaaday kubbad uu madax awood badan la helay Scott McTominay daqiiqaddii 69-aad, waxaana uu goolkani uu noqday midka labada kooxood sida dhabta ah u kala saara.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Manchester United oo yeelatay 27-dhibcood, soona cidhiidhsatay kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League iyagoo 9-dhibcood ka dambeeya Arsenal oo hoggaanka haysa iyo kaalinta afraad ee ay Man City ku jiro oo ay saddex dhibcood u jiraan.

Dhinaca kale, Aston Villa ayaa 1-0 ku garaacday Manchester City oo ciyaartii afraad oo xidhiidh ah ee horyaalka Premier League ah aan wax guul helin waana markii ugu horeysay city sidaan ku dhacday.

Man City oo barbarro lasoo gashay Chelsea, Liverpool iyo Tottenham saddexdii ciyaarood ee u dambeeyey ee horyaalka Premier League, ayaa waxa ay booqatay Aston Villa oo 1-0 kaga adkaatay, waxaana goolkan madiga ah labada kooxood ku kala saaray waxaa dhaliyay Leon Bailey oo daqiiqaddii 74-aad ku filnaday Aston villa.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Manchester City ay lumisay sagaal dhibcood oo horyaalka Premier League ah afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaana ay u dhaadhacday kaalinta afarad ee miiska kala-sarraynta oo ay ku haysato 30-dhibcood, waxaana kaga kor martay Aston Villa oo booska saddexaad soo gashay waxaa ayna haysataa 32-dhibcood.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *