Maxaa ka dhacay oo aadan ogeyn, Ciyaartii Manchester city Vs Tottenham?

0

Kooxda Manchester City ayaa ciyaartii 3-aad oo xiriir ah barbarro niyad jab ah ka gashay horyaalka Premier League, waxaana barbarro waqti dambe ah ku qabatay Tottenham oo ku booqatay garoonka Etihad Stadium, isla markaana soo bandhigtay ciyaar ka yaabisay City oo ay kubadda la qabsatay.

Kooxda Manchester City oo hore barbarro ula soo gashay kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa 6 dhibcood lumisay saddex ciyaarood gudahood, taasoo fursad weyn u noqotay kooxaha Arsenal iyo Liverpool oo si buuxda iskugu ballaariyey kaalmaha koowaad iyo labaad.

Kooxda Tottenham ayaa gool la hormartay daqiiqadii 6aad ee bilowga ciyaarta, waxaana u dhaliyey Heung-Min Son oo kubbad uu orod kagala soo dheereeyey Jeremy Doku ula tegay goolhaye Ederson oo uu darbad xooggan u weydaariyey shabaqa, sidaasna naadiga Spurs ugu dhiibay hoggaanka.

Nasiib darro ayaa ku dhacday Son 3 daqiiqadood kadib, waxa uu isku qabtay kubbad uu doonayay in uu ka difaaco goolkiisa oo uu madax kusoo celiyey Erling Haaland, waxaana ay ciyaartu noqotay 1-1.

Xiddiga Foden ayaa hoggaanka usii dheereeyey kooxda martida loo ahaa ee Man City oo bandhiggeedu liitay marka loo eego qaab ciyaareedyadii hore looga bartay, waxaana uu shabaqa ku leexiyey kubbad uu Alvarez goolka hortiisa ugu dhiibay, taasoo kaliya taabasho uga baahnayd.

Natiijadaan ayay labada kooxood ku kala nasteen, iyada oo dhinacyadu iska lumiyeen fursado goalal noqon lahaa, waxaana ciyaartoyga fursadda fiican lumiyey ahaa Doku oo gantaal uu ku toogtay goolka birta ku garaacay, kadibna ay difaacu iska saareen.

Kooxda Tottenham ayaa kusoo laabatay ciyaarta oo barbarraha keentay daqiiqadii 69-aad oo uu xiddiga khadka dhexe ee reer Argentina ciyaarta ka dhigay 2-2, isaga oo kubbad uu bartamaha garoonka meel ku beegan oo xerada ganaaxa dusheeda ah kaga toogtay goolka uu waardiyaha ka ahaa Ederson, kaas oo faraha ku taabtay balse aan awoodin inuu joojiyo.

Doqon-nimo oo uu sameeyey Bisouma oo bandhig fiican ka samaynayay garoonka, ayaa Manchester City caawisay waqti dambe oo siisay fursad ay gool 3aad  kula timaaddo. Xiddiga reer Mali ayaa isku dayey in uu kubadda u gooyo saddex ciyaartoy oo Man City ah oo hareeraha kasoo galay, iyada oo uu heli karayay inuu baas bixiyo ayaanu goysmo miciinsaday, balse waa laga gujiyey oo laga qaatay kubadda, iyada oo Erling Haaland oo dhinaca midig loogu tuuray uu isaguna usoo dhiibay Jack Grealish oo goolka hortiisa jooga oo si fudud ugu leexiyey goolka.

Goolkaan oo dashay daqiiqadii 81aad ayaa la filayay in uu niyad jab ku keeno ciyaartoyda Tottenha oo saddexdii kulan ee hore ee horyaalka Premier League si xun looga soo badiyey, waxayna xiddigaha Spurs diideen in ay is dhiibaan.

Daqiiqadii 90-aad ayuu Kulusevski madax ku qabtay kubbad uu dhinaca bidix kasoo qaaday xiddiga Brennan Johnson, waxaana uu dhinaca midig ka dhigay goolhaye Ederson , taasoo keentay in ciyaartu noqoto barbarro 3-3 ah.

Xissiga Erling Haaland ayaa dood ka keenay qalad lagu galay waqtigii dheeraadka ahaa iyo kubbad uu Jack Grealish kula sii socday goalka Spurs oo uu garsooruhu diiday in uu fasaxo, waxayna labada kooxood dhibcaha ku qeybsadeen natiijo isku mid ah oo ah 3-3.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Manchester City ay si rasmi ah hoos ugu dhacday kaalinta saddexaad oo ay ku haysato 30 dhibcood, waxayna 3 dhibcood ka dambaysaa Arsenal oo hoggaanka ku haysa 33 dhibcood iyo Liverpool oo kaalinta labaad fadhida oo leh 31 dhibcood.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *