Toban Ciyaartoy Oo Chelsea Kusoo Celiyey jidka Guusha Ee Ay Ka Leexisay Newcastle, garoonka Stamford Bridge Ku Garaaceen Brighton

0

Kooxda Chelsea ayaa kusoo laabatay jidka guusha ee toddobaadkii hore ay Newcastle xasuuqa iyo bahdilaadda kaga lumisay, waxayna 3-2 ku karbaasheen Brighton oo marti ugu ahayd Stamford Bridge.

Naadiga Chelsea ayaa qaybtii horeba xaqiijisatay inay guuleysanayso markii ay laba gool oo daran doorri ah ku dhalisay afar daqiiqadood oo kaliya gudahood, halka qaybtii dambena uu mar kale hoggaanka usii dheereeyey Enzo Fernandez oo isku beddelay gool dhaliye dabiici ah.

Daqiiqadii 17-aad ayaa uu Enzo Fernandez hoggaanka ugu dhiibay Chelsea kubbad uu ka helay xiddiga Badiashile oo difaaca Brighton ay ka seexdeen inay goolkooda ka joojiyaan, waxaana ay waqti horeba Blues u dabbaal degtay goolkeeda furitaanka.

Kooxda Brighton oo ka naxsan goolka lagala hormaray ayaa afar daqiiqadood kadib aragtay iyada oo Chelsea u dabbaal degaysa gool labaad oo uu u saxeexay Levi Colwill oo hadiyad ka helay xiddiga Jackson oo soo khiyaameeyey Julio oo u muuqanayay inuu hurdo.

Ciyaartaan oo fursadaheedu badnaayeen, ayaa ay Brighton heshay fursado ay goolal ku dhalin kareysay, balse difaaca dhexe ee Blues iyo goolhaye Sanchez ayaa u ogolaan waayey in si fudud shabaqooda loo gaadho.

Dhamaadka qaybta hore oo ay laba daqiiqadood ka harsan yihiin ayay Brighton kusoo laabatay ciyaarta oo ay dhalisay gool uu u saxiixay xiddiga Buonanotte oo dhamaystiray kubbad ay kasoo wada shaqeeyeen xiddigaha Adingra iyo Adam Lallana.

Naadiga Chelsea ayaa noqotay toban ciyaartoy daqiiqaddii 45-aad, waxaana casaan lagaga saaray khadka dhexe ee Conor Gallagher oo kaarkii labaad oo jaalle ah qaatay, waxayna Blues qaybta dambe oo dhan ku ciyaaraysay toban ciyaartoy.

Daqiiqadii 65-aad ayaa Chelsea ay keentay goolka saddexaad oo uu u dhaliyey xiddiga Enzo Fernandez oo gool u beddelay rikoore lagu galay Xiddiga Mykhailo Mudryk, waxayna sidaas ku xaqiijisatay Blues inay saddexda dhibcood ee ciyaartaan jeebadda ku shubanayso.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray kulanka ayey koixda Brighton keentay goolkeeda labaad oo uu u dhaliyey xiddiga Joao Pedro oo dhamaystiray kubbad uu ka helay Jungueira de Jesus.

Kooxda Brighton ayaa rikoore heshay dhamaadkii ciyaarta, balse VAR oo laga soo hubiyey ayaa diiday, waxayna labada kooxood ku kala baxeen natiijo 3-2 ah iyadoo ciyaartaan lagu daray 12 daqiiqadood oo dheeraad.

Kooxsa Blues ayaa soo gashay kaalinta 10-aad ee horyaalka Premier League, waxayna yeelatay 19 dhibcood oo ay ka urursatay 14 kulan oo Premier League ah oo ay ciyaartay.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *