Q27: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Cali iyo Wiilasha waa ay keeneen Shaaha. Marka ay keeneen, kadib Cali Hooyadiisa ayaa dhadhamisay shaaha kadibna tiri: “Shaah innaba caadi aheyn ayaaba Kariseen, bis waaye hadda kadib Galab walba Shaaha Casriyada idinka ayaa inoo soo diyaarin doona, Gabdhaha galbihii waa ay nasanayaan”

Cayuuni: “Habo sidaasi ha dhihin wiilasha waa ay innaga rafaadeenee”

Cayuuni Hooyadiisa: “waa sida ay sheegtay walaasheyda, Galab walba wiilasha ayaa ku qoran shaah kariska”

Cali: “Go’aan walba keena haddii aad rabtiin, Keliya inna fasaxa waan wada daalnahaye, Saan u jiifano waa la yaabayaaye”

Cali Aabbihiisa: “Hadda iska baxa oo jiifta Balse maqribka haddii aad salaada usoo kici weydaan Biyo Qabow oo baraf ayaa la idinku shubi doonaa”

Cali: “Haye halmar uun aan tago sariirta”

Cali sida uu u socday sariirta ayuu isku tuuray.

Gabdhaha waa ayba ku farxeen hawsha ay wiilasha qabteen, Balse Cayuuni waa ay ka qoomameyneysaa Tartanka ay iclaamisay ayaa lagu ciqaabay wiilasha.

Cayuuni inta ay baxday ayey soo diyaarisay Cabitaan aad u macaan oona qabow, Kadibna waxa ay u geysay wiilasha.

Wiilasha: “Abaayo cabitaanka waad inoo keentay, Balse Cali mar hore ayuuba hurday, Miskiinka shaqooyinka ugu badan isagaa qabanaayey”

Cayuuni: “iga Wareega anigaa kicinaaye”

Cayuuni waxa ay taabatay Cali oo hurdaya, gacanteyda ayey ku qabatay Muruqiisa.

Cali waa uu soo kacay, kadibna yiri: “Oo adiga miyaa wax ayaan dareemaayey, Kolka aad taabaneysay Lugteyda”

Cayuuni iyo Cali indhaha ayey isku baaqeen.

Cali iyo wiilasha cabitaanka ayey cabeen kadibna iska jiifteen.

Cayuuni waa ay kasoo tagtay oo ay dhahday “Caawa ayaan la sheekeysan doonaa Cali”

Saacado kadib oona ah Xilli Maqrib.

Cayuuni Aabbaheeda ayaa yiri “Wiilasha hala soo kiciyo hana tukadaan Maqribka”

Waxaa aaday Cali walaashiisa, wiilasha waa ayna kicin weyday, kadib iyada oo usii socota waalidiinta waxaa aragtay Cayuuni.

Cayuuni: “Abaayo Labadeenna ayaa kicinaayo wiilasha ha u sheegin waaliduinta waayo Biyo qabow ayey ku shubayaan”

Cali walaashiisa: “Haye inna wad”

Cayuuni iyo Cali Walaashiisa wiilasha waxa ay ku kiciyeen si fudud oo waxa ay ka taabteen Sanka.

Qofka marka uu jiifo haddii sanka laga taabto ama gudihiisa fartaada kelisid waa uu soo boodayaa.

Cali: “idinka maxaa saan u sameyseen oo waaba naga wada nixiseen, aniga waxaan moodaayey bahal inuu sanka igu socodo”

Cayuuni: “Aboowe waxaanba kaa badbaadinay wax ka daran, waalidiinta waxa ay ina dhaheen haddii aad soo kicin weydaan Biyo qabow ayaan yaala oo lagu kicinayaa”

Cali: “Yaah! Biyo Qabow aa, Hadda ayaaba Ciqaab kasoo baxnay ma Biyo ayaa naloo diyaarsaday, Balse idinka ayaa mahadsan oo naga badbaadiyey”

Cayuuni: “War badan dhaafee orodo salaadda tukada”

Cali iyo Wiilasha salaada ayey soo tukadeen, Kadibna midba midka kale murqaha ayuu wax ka sheeganayaa, waayo guriga oo aad u weyn ayey hawsha oo idil wada qabteen waana markoodii ugu horeysay hawlahaasi oo kale.

Cali oo wiilasha la fadhiya kuna jira Qadka internet-ka waxaa soo Wacday Canab.

Cali waa uu kasoo Baxay wiilasha meel gooni ah ayuu istaagay, kadibna Canab ayuu ka qabtay teleefoonka lana hadlay.

Canab: “Maalmaahaan Fasax ayaan iska ahay oo jaamacad ma jirto, Balse abti ayaaba marba meel inoo kaxeeya waayo isaga waxa uu u shaqeeyaa Dowladda”

Cali: “Haye qaali, Meesha miyaan kuugu imaadaa si aan ku wehliyo”

Canab: “waan rabi lahaa, Balse adiga masoo bixi kartid waayo Waalidkaada kuuma ogola inaad dibedda aado”

Cali: “Haa Abaayo waalidkeyga ma jecla Dibed in la aado, annaga Hanti waan leenahay, Balse dalkeyga Hooyo kama baxeyno, Xaataa Master-ka Dalka Gudihiisa ayaan ka baranayaa”

Canab oo Hadal Cali ku Noqday mid wadan-nnimo ah ayaan ku tiri: “Wallaahi waa sax aboowe, Aniga waalidkeyga ayaa igu qasbay ma ahanee ma bixi laheyn”

Cali: “wixii tagay hasoo cel-celinin, Ka gudub, Meeqo Magaalo ayaad ku dalxiis tagtay”

Canab: “ilaa iyo hadda waxaan tagay afar magaalo oo aad u qurux badan, magaalooyinka qaar baraf ayaaba ka da’aya inta badan waana qabow saa’id ah”

Cali oo la sheekeysanaya Canab, waxaa u yimid Wiilasha la Dhashteen Cayuuni, waxa ayna ku bilaabeen Foodo iyo in ay Dhahaan Dumaashi ina Bar.

Canab: “Wiilasha aan Bartee igu Dhiib teleefoonka”

Cali waa uu u dhiibay Teleefoonka wiilka ugu weyn wiilasha.

Cayuuni Walaalkeeda: “Mustaqbalka Dhaw Dumaashida, sidee tahay?”

Canab: “Walaale masha allah waan Fiican adiguna ii waran”

Cayuuni Walaalkeeda: “Haa Masha allah, Meesha aad Joogto kawaran? Ajaaniibta joogto maku damcaan Miyaa?”

Cali: “Wariyaa dumaashidaa Foodada ka dhaaf”

Canab: “Waxaasi ma jiraan, inta badan ismaba aragno, waayo guriga lee ku jiraa, keliya markaan jaamacadda aadayo ayaan is aragnaa”

Cayuuni ayaa aragtay Cali iyo wiilasha oo la hadlayaan Canab.

Cayuuni waxa ay adeegsatay Xeelad, waxa ayna tiri: “cali iyo wiilashow kaalaya imaada wax ayaan idin hayaa oo Murqo xanuunka idinka saaraya”

Wiilasha waa ay u yimaadeen Cayuuni.

Cali iyo Canab oo wada sheekeysanayaan. Ayaa uu cali yiri: “Abaayo waan kuu soo laabanayaa, Murqaha ayaa i xanuunayo mar dhaw ayaan banooni ka imid”

Cali waa uu u yimid Cayuuni.

Cayuuni waxa ay dhahday; “Saliidaan ayaan idin sidaa waana Saliida la marsado Timaha, waxa aad marineysaa Meelaha idin Xanuuneyso kadibna ku daliiga si uu idinka baxo Xanuunka”

Cali: “adiga dhaqtarad miyaad ahaan jirtay waa adiga saliida daawo inooga dhigayee”

Cayuuni isha ayey ugu Baaqday.

Cali iyo wiilasha waxa ay bilaabeen in ay saliida mariyaan Murqaha Lugaha iyo Gacmaha kuna Daliigaan.

Xoogaa kadib

Wiilasha iyo Cali Muruq Xanuunka waaba ka baxay isla Markiiba, waa ay yar ordeen, Mana dareemin xanuun.

Cali iyo Wiilasha halmar waxa ay dhaheen : “Dhaqtarada Xaafadda waaaaaaa Cayuuuuuuuuuuuuniiiiii”

Waalidka ayaa kusoo baxeen Qeylada Wiilasha, waxa ayna dhaheen “Maxaa dhacay oo loo Qeylinayaa”

Cali: “Cayuuni ayaa Saliid inoo keentay waxa ayna ina dhahday Meelaha xanuunka ah mariya markaan marinay oo aan yar orodnay wax xanuun ah ma wada dareemin”

Cali Hooyadiisa: “oo Hadda Miyaad aragteen Cayuuni in ay tahay Gabadh Dhaqtarad ah, Cayuuni waa Gabadh taqaana Ahmiyadda ay leedahay Nolosha, waana gabadh dhameystiran”

Cayuuni oo jiliinkeeda u noqday mid Dhab ah, waxa uuna saameeyey Waalidiinta.

Cali: “Haa gabadhu innaba Caadi ma ahan waanba arkay Aqoonteeda u qarsaneyd Caawa”

Cayuuni isha ayey ugu Baaqday Cali.

Cali ma uusan fahmin Baaqaasi, balse wax yar kadib fariin ayaa usoo dhacday, waa uuna fiiriyey, waxa ayna ka timid Lambarka Cayuuni, waxaana ku qorneyd: “Aboowe Jaanis aan kula sheekeysto Maalmahaani ma Helin, Marka Qadka internet-ka ku sheekeysaneenaa hadhowdi ayaana inoo Balan ah”

cayuuni caqligeeda waxa ay diideysaa inay jaanis isku helaan Canab iyo Cali.

Cali waxa yy ugu Jawaabay: “Haye Abaayo”

Dhamaan wiilasha iyo Gabdhaha waa ay kala Xaroodeen oo midba midka kale qolka ayuu galay oo hurdo isku diyaariyey. Sidoo Kale Waalidiinta waa ay galern qolalkooda.

Cali iyo Cayuuni waxa ay bilaabeen wada sheekeysi, iyaga oo ku wada sheekeysanayaan Whatsapp-ka waana Qoraal keliya.

Cali waxa uu fiiriyey online inay tahay Canab, balse Offline waaye oo waa ay ka maqan tahay qadka internet-ka.

Cali: “Alxamdu lillah haddiiba taasi ay ka maqan tahay qadka awalba Xiiso uma heynine”

Cayuuni: “Aboowe maantay waa lagu daaliyey, Haddii aan ahaan lahaay Xaaskaada xanuun oo idil ma darremi laheyn oo waan kuu mastaajeen lahaa”

Cali: “Abaayo sidaan ayaaba ila qeybsatay, waayo Saliida aad inoo keentay ayaa ka mid ah”

Cayuuni: “Aboowe Maalmahaan jaanis aan ku wada sheekeysano waan isku weynay, Balse waxaasi dhib uma arko haddiba aan is-arkeeno, Haddana Raashin aan kariyo aad cuneyso”

Cali: “Haa abaayo, runti waa sida aad sheegtay”

Cayuuni iyo Cali wax badan ayey wada sheekeysteen, waqti dambe ayeyna isla gaareen, ugu dambeyntii waa ay is-macsalaameeyeen

La Soco Qeybta Xigta Inshaa Allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *