Real Madrid Oo baalsha ka riftay Napoli, Xiddigii Niyad-jabka Iska Maydhay Dhamaadka, Da’yarkii Taariikhda Sameeyey Iyo Natiijooyinka Kulamadii Champions League Ee Caawa

0

Kooxda Real Madrid ayaa sii wadata guulaha boqolkiiba boqolka ah ee ay ka soo hoynayso horyaalka naadiyada Yurub ee tartanka Champions League, waxayna soo hoysay guushii shanaad oo xiriir ah iyaga oo 4-2 ku garaaceen Napoli oo si adag u dagaallantay, laakiin aan wali usoo bixin wareegga xiga ee 16ka.

Kooxda Real Madrid ayaa waqti dambe keentay laba gool oo niyad jab ku riday Napoli oo gool la hormartay, laakiinse awoodi weyday in ay ilaashato shabaqeeda oo afar jeer oo kala duwan ay u ogolaatay ciyaartoyda Real Madrid.

Daqiiqadii 9-aad ee bilowga ciyaarta ayaa weeraryahanka reer Argentina ee Giovanni Simeone oo uu dhalay tababaraha Atletico Madrid ee Diego-Simeone uu hoggaanka u dhiibay Kooxda Napoli oo uu u dhaliyey kubbad uu dhinaca midig ka soo dhigay Di-Lorenzo, hase-yeeshee saddex daqiiqadood oo kaliya ayay ku qaadatay Real Madrid in ay ka jawaabto goolkaas.

Kubad uu khadka dhexe kasoo farsameeyey Brahim Diaz ayaa waxa uu u dhiibay Rodrygo oo garabka bidix ka ciyaarayay, waxaanu da’yarka reer Brazil u gooyey dhawr difaac ka hor intii aanu darbad xooggan ku hubsanin shabaqa.

Xiddiga Jude Bellingham ayaa hoggaanka usii dheereeyey Real Madrid daqiiqadii 22-aad, kadib markii uu madax ku dhaliyey kubad uu meel fog kasoo tuuray David Alaba oo la moodayay in ay sii ballameen madaxa xiddiga reer England, waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay hoggaanka ku haysay Real Madrid, iyada oo qaybta horena kusoo dhamaatay natiijadaas.

Markii lagu soo laabtay qaybta labaad ee ay socotay laba daqiiqadood oo kaliya ayey Napoli keentay gool degdeg ahaa oo ka nixiyey Real Madrid oo ciyaarta ka dhigay 2-2, waxaana darbad xooggan ugu saxeexay Zambo-Anguissa oo goolhaye Lunin hortiisa ka toogtay goolka oo tallaabooyin u jiray.

Intaaa wixii ka dambeeyey, Real Madrid ayaa noqotay naadiga ka talinaya garoonka ee la daawanayo dhallinta goolashiisa iyo fursadaha uu abuurayo.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa beddelay Dani Ceballos iyo Brahim Dias, waxaana uu kooxda ku firfircoonaysiiyey Joselu iyo da’yarka Xiddiga Nico Paz oo labadooduba isku qoray diiwaanka goolasha ee kooxdooda.

Xiddiga  Nico Paz oo laga soo dallacsiiyey da’yarta Real Madrid ayaa dhaliyey goolka saddexaad ee kooxdiisa ee niyad-jabka ku riday Napoli, waxaana kubbad uu kasoo xoogay ciyaartoyda Napoli uu ula soo dhowaaday laynka garoonka ka hor intii aanu lasoo gelinna waxa uu ku toogtay darbad xooggan oo lugta bidix ah oo uu qasab ku dhaafiyey goolhayaha Alex Meret oo ay gacmihiisa ka siibatay.

Xiddiga Joselu Mata ayaa ugu dambayntii soo afjaray niyad-jab uu garoonka la dhax-joogay oo uu Qasaariyey afar kubbadood oo goolal loo qaatay oo goolka loo hordhigay.

Daqiiqadii 94-aad ayuu Jude Bellingham kubadda ugu dhiibay meel cidlo ah, waxaana uu Joselu ku hubsaday shabaqa kadibna waxa uu qabsaday oohin maadaama uu ahaa goolkiisii koowaad ee uu ka dhaliyo tartanka Champions League, sidoo kalena yimid xilli uu lumiyey fursado badan oo kale oo uu quus taagnaa.

Kulamadii kale Natiijooyinka ee tartanka Champions League ee caawa

GROUP A

  • Galatasaray 3-3 Man United
  • B. Munich 0-0 FC Copenhagen

GROUP B

  • Sevilla 2-3 PSV 
  • Arsenal 6 – 0 Lens

GROUP C

  • R. Madrid 4-2 Napoli
  • Sporting Braga 1-1 FC U.  Berlin

GROUP D

  • Benfica 3-3 Inter Milan
  • R. Sociedad 0-0 FC R. Bull Salzburg

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *