Galatasaray Oo Ceel Ku Riday Rajadii Manchester United Ee Champions League Iyo Sevilla Oo Lagu Dubtay Hoygeeda

0

Kooxda Manchester United ayaa halis ugu jirta inay ka harto tartanka Champions League, waxaana la isku raacsan yahay in suurtogalnimada ay ugu soo gudbi karayaan wareegga 16-ka ay aad u yar tahay oo ay quus taagan yihiin.

Kooxda ManUnited ayaa iska lumisay guul gacanteeda ku jirtay kulan ay booqasho ugu tagtay kooxda reer Turkey ee Galatasaray oo ay ku hogaaminaysay 3-1, laakiin laga daba yimid oo ay ku kala baxeen barbarro 3-3 ah.

Naadiga Red Devils oo qaybtii horeba niyadda gashatay in ay guuleysanayso markii ay laba gool oo daran-doorri ah u dhaliyeen  Garnacho iyo Bruno Fernandes, isla markaana ciyaarta ku hogaamiyeen 2-0, ayaa waxa qaladaad dilaa ah sameeyey goolhaye  Onana oo kubbad lagu soo laaday oo laad xor ahayd u fasaxay goolkiisa, halka mar kalena uu qalad xun oo kale sameeyey oo kubad uu joojin karaayay laga dhaliyey.

Daqiiqadii 11-aad ee bilowga ciyaarta ayaa Manchester  uu hoggaanka u dhiibay Alejandro Garnacho oo lugta bidix ku dhaliyey gool qurux badan oo uu ugu dabbaal degay sidii Cristiano Ronaldo oo kale.

6 daqiiqadood oo kaliya kadib ayuu Bruno Fernandes gool qurux badan oo kale u dhaliyey Manchester United oo uu ciyaarta ka dhigay 2-0, isaga oo kubbad uu kasoo jiitay khadka dhexe darbad xooggan ku weydaariyey goolhaye Muslera.

Manchester United iyo taageereyaasheeda u safray Istanbul ayaa u qaatay inay guuleysanayaan, hase-yeeshee laad xor ah oo loo dhigay Galatasaray ayaa waxa gool u beddelay Hakim Ziyech iyada oo goolhaye Onana uu arki waayey kubadda oo kasoo dhax baxday laba ciyaartoy oo kooxda kale ah.

Marka lagu soo noqday qaybta labaad ee ay socotay 10 daqiiqadood oo ayay ciyaartu noqotay 3-1, waxaana gool kale u dhaliyey Manchester  xiddiga khadka dhexe ee Scott McTominay oo shabaqa ku leexiyey kubad uu dhinaca midig kasoo dhigay Aaron Wan Bissaka.

Intaa wixii ka dambeeyey, waxa ay kubaddu gacanta u gashay Galatasaray oo halgan adag u gashay siday garoonkeeda ugu xoogsan lahayd dhibco, si ay usoo noolayso rajadeeda usoo bixitaanka wareega 16ka Champions League.

Xiddiga Hakim Ziyech ayaa mar kale qaatay laad xor ah oo uu ku toogtay goolhaye Anana oo musiibo ku noqday kooxdiisa. Goolhayaha reer Cameroon ayaa kubada ku qabtay labada gacmood oo dib usoo celiyey, waxa ayna kusii dhacday labadiisa lugood oo ay u weydaaratay shabaqa goolkiisa daqiiqaddii 62aad.

Labada beddel oo uu sameeyey tababaraha Galatasaray ayaa sababay inay goolka saddexaad keenaan, iyaga oo cadaadiska kusii waday goolka Red Devils, halka Erik ten Hag uu saaray Rasmus Hojlund iyo Sofyan Amrabat oo shaqo badan hayay.

Ciyaaryahanka reer Turkey ee Kerem Aktürkoğlu oo beddel kusoo galay ayaa Galatasaray u keenay goolka barbarraha daqiiqaddii 72-aad, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-3 ay ku kala baxeen Manchester United.

Manchester ayaa waxa ay leedahay 4 dhibcood oo ay ka urursatay 5 kulan oo Champions League ah, waxayna ku jirtaa kaalinta ugu hoosaysa group A, iyaga oo isku mid ah FC Copenhagen oo la ciyaaraysa Bayern Munich oo mar horeba soo gudubtay, halka Glatasaray ay labaad ku jirto oo ay leedahay 5 dhibcood.

Dhanka kale, Sevilla ayaa si rasmi ah uga hartay tartanka Champions League, waxaana guul soo laabasho oo 3-2 ah ku garaacday kooxda PSV Eindhoven oo marti u ahayd.

Naadiga Sevilla waxay leedahay 3 dhibcood oo kaliya, waxaanay ka hartay tartanka maadaama Arsenal oo mar horeba soo gudubtay ay sagaal dhibcood haysato iyada oo PSV leh 8 dhibcood, waxayna kooxda reer Netherlands u baahan tahay kaliya in caawa ay Arsenal qabato Lens.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *