DAAWO:Alejandro Garnacho Oo Caawa Dhaliyey Goolkii SANNADKA Ee Horyaalka Premier League.

0

Xiddiga reer Argentina ee Alejandro Garnacho ayaa caawa dhaliyey gool waqti horeba hoggaanka u qabtay tartanka goolka sannadka ee horyaalka Premier League, kaddib markii uu kooxdiisa u furay dhalinta goolasha ciyaartii Everton ay ku booqdeen Goodison Park.

Alejandro Garnacho hoggaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqaddii 3-aad ee bilowga ciyaarta, markaas oo uu kubbad uu dhinaca midig kasoo qaaday Diogo Dalot uu ku qabtay maqas ama qaalma rogad isaga oo islaba-rogay, xilli uu goolkuna ka xigay dhabarkiisa.

Goolkan oo markiiba la barbar-dhigay goolkii uu Cristiano Ronaldo ka dhaliyey Juventus semi finalkii Champions League ee xilli-ciyaareedkii 2017/18, ayaa waxa markii uu shabaqa ku hubsaday waxa uu u dabbaal-degay sida xiddiga uu ku deysado ee cristiano Ronaldo oo kale.

Baraha bulshada ayaa uu markiiba qabsaday goolka uu dhaliyey Alejandro Garnacho, waxaana sidoo kale lasoo qaatay oo la soo bandhigay muuqaallada goolasha ay isku midka ahaayeen ama isku dhowaayeen sida loo dhaliyey.

Jamaahiirta kubadda cagta ayaa ku sifeeyey Alejandro Garnacho inuu yahay mucjiso ay tahay in boos rasmi ah la siiyo oo si joogto ah uu ugu soo bilowdo ciyaar walba.

Halkan ka daawo goolasha ay isku midka ahaayeen goolka Alejandro Garnacho>

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *