Chelsea Oo Dhulka lagu Jiid-jiidday Garoonka Newcastle iyo Ceebta Ku Habsatay Blues

0

Kooxda Newcastle United ayaa guul darro xanuun badan u xambaarisay kooxda Chelsea, waxayna burburisay xiddigihii lacagta badan laga soo bixiyey iyada oo tababarahooda Mauricio Pochettino uu ka daawanayay dusha sare ee garoonka.

Naadiga Chelsea oo sare usoo kacaysay kulamadii ugu dambeeyey ayaa waxa madaxa kaga istaagtay Kooxda Newcastle United oo ugu awood sheegatay 4-1, xilli uu Blues casaan ka qaatay kabtankooda Reece James oo xamili waayey culayskii badnaa ee saarnaa kooxdiisa.

Naadiga Blues oo qaybtii hore isku daysaysay in ay iska dhiciso Newcastle United, ayaa waxay si dhab ah u burburtay laba daqiiqadood oo isku xigay oo qaybta dambe ah oo uu hawlgabnimadiisa iyo in ay da’du hayso uu muujiyey Thiago Silva.

Daqiiqadii 13-aad ee bilowga ciyaarta ayaa uu Isak hoggaanka u dhiibay Newcastle kadib markii kubad ay difaaca Chelsea ku qalqaleen in ay offside uga baxaan Isak, kaasoo uu ku hadhay Marc Cucurella oo raaci waayey difaacyada kale ee kooxdiisa.

Xiddiga Isak ayaa kubadda si deggen u maamulay oo darbad xooggan oo kalsooni leh weydaariyey goolhaye James oo meeluu raaco garan waayey.

Laakiinse goolkaani masii waarin waxaana toban daqiiqadood kadib ay Chelsea u dabaal-degtay barbarraha oo uu u keenay Sterling oo dhaliyey laad xor ah daqiiqaddii 23-aad.

Fursado oo ay heleen ayaanay labada kooxood ka faa’iidaysan qeybta hore, waxaana gacanta sare iyo fursadaha badanba lahayd kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayey ee Newcastle United.

Daqiiqadii 60-aad ayay murugadu usoo hoyatay Chelsea, markaas oo laga dhaliyey laba gool oo 90 ilbdihiqsi oo kaliya ahi u dhexeeyeen.

Kubad uu A. Gordon kasoo qaaday dhinaca midig ayaa waxa madax awood badan ku qabtay xddiga Jamaal Lascelles oo ciyaarta ka dhigay 2-1 daqiiqaddii 60-aad, waxayna taasi qalqal ku keentay difaaca Chelsea oo bilaabay in ay is canaantaan.

Markale 90 ilbidhiqsi oo kaliya kadib ayaa waxa qalad xun sameeyey Thiago Silva oo awoodi waayey in uu si fiican u maamulo kubad loo dhiibay, taasoo uu isku dayay in uu isku sii dhaafiyo goolhaye Sanchez balse waxa uu baas ahaan ugu dhiibay Jeolinton oo ula tegay goolhayaha Chelsea, kana dhigay dhinaca midig, iyada oo ciyaartuna noqotay 3-1.

Kabtan Reece James ayaa laga saaray kooxda Chelsea isagoo qaatay kaarkii labaad oo jaale ah, waxayna Chelsea 17-kii daqiiqadood ee u dambeeyey ciyaarta ku dheelaysay 10 ciyaartoy.

Xiddiga A. Gordon ayaa sii niyad jabiyey Chelsea oo ka dhaliyey goolka afraad oo uu u qalmayay maadaama uu dadaal badan samaynayay ciyaarta oo dhan, waxaana kubad uu kala soo galay dhinaca midig uu ku toogtay laad diciif ah oo dhulka socday oo uu goolhaye Sanchez qaban kari waayey.

Xiddiga Silva ayaa laba jeer ceeboobay, waxayna marka koowaad ahayd qaybta hore oo uu awoodi waayey inuu jirkiisa xakameeyo isagoo kubbad ku maamulay laynka dhinaca koornaha, waanu dhacay taas oo keentay in lagu tuurto rikoodhe, halka uu isku dhiibay goolka saddexaad ee laga dhaliyey kooxdiisa.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *