Barcelona Oo barbaro la gashay Rayo Vallecano

0

Kooxda Barcelona ayaa barbarro waqti dambe ah ka tuugtay Rayo Vallecano oo ay marti u ahaayeen, taas oo xilli dambe uu goolka labada kooxood simay ka dhaliyey Robert Lewandowski oo guul darro ka badbaadiyey naadigiisa.

Ciyaarta oo ay inta badan maamulaysay Barcelona oo gacanta sare ay lahayd, ayaa waxa dhamaadka qaybta hore derbigooda difaaca dumiyey Xiddiga U. Lopez oo hoggaanka u dhiibay Rayo Vallecano, hase-yeeshee kubad dhinaca bidix uu kasoo qaaday xiddiga Balde ayaa waxa isku qabtay Florian Lejeune oo kubadda uga hormaray Robert Lewandowski oo sugayay.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Barcelona ay iska lumisay fursad ay kula wareegi lahayd kaalinta labaad ee horyaalka LaLiga oo ay kala bixi lahayd Real Madrid oo Axadda ciyaaraysa, balse hadda waxa ay ku qanceen in ay kaalinta saddexaad fadhiyaan.

Qaybtii hore ee ciyaarta oo Rayo Vallecano ay aad u firfircooneyd, waxa goolhaye Pena tijaabiyey Palazon oo gantaal ku toogtay, iyada oo sidoo kalena De Furtos uu ku celiyey markuu soo tufay. Waxa kale oo uu goolhyae Pena kubad ka qabtay xsdiga Valentin.

Daqiiqadii 39-aad ayay Rayo Vallecano u suurtogashay in ay jabiso derbiga difaaca Barcelona waxayna soo dhiseen kubbad qurux badan ka hor intii aanu weeraryahankooda Unai Lopez ku qabanin foolli masaafo 25 yard ah.

Naadiga Barcelona ayaa isku dayday in ay si degdeg ah uga jawaabto, balse difaaca Rayo Vallecano oo feejignaan badan ka muuqatay ayaa iska caabiyey Lewandowski, L. Yamal iyo Pedri.

Khadka dhexe ee Xulka Spain ee Pedri ayaa waxa kubad gool loo qaatay ka badbaadiyey goolhaye Dimitrivski, kaasoo sidoo kalena kubbado ka joojiyey L. Yamal iyo Lewandowski.

Xsdiga Raphinha ayaa barta garaacay dhamaadkii ciyaarta, waxaana kubada oo dib usoo noqotay iska saaray difaaca Rayo.

Daqiiqadii 82-aad ayey Barcelona heshay gooalka barbarraha oo uu iska dhaliyey Florian Lejeune oo isku dayey in uu badbaadiyo kubbad ku socotay Lewandowski oo meel cidlo ah taagntaa.

Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbarro 1-1 ah, waxayna Barcelona ku qanacday in ay ku jirto kaalinta saddexaad oo ay ku haysato 31 dhibcood, waxaynasaddex dhibcood ka dambaysaa Girona oo hoggaanka haysa oo aan wali ciyaarin iyo Real Madrid oo labaad ku jirta oo 32 dhibcood leh oo Axadda ciyaareysa.

Kooxda Rayo Vallecano ayaa iyaduna ku jirta kaalinta siddeedaad ee horyaalka LaLiga, waxayna haysataa 19 dhibcood, hase-yeeshee waxa ay awood u yeelatay in ay dhibco ka qaadato Real Madrid iyo Barcelona kulamadii ay la ciyaareen.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *