TOP 10: Tobanka Ciyaartoy Ku Jira Champions League Ee Lacagta Ugu Badan Ka Sameeya Baraha Bulshada Oo La Shaaciyey.

0

Tobanka ciyaartoy ee lacagta ugu badan ka sameeya baraha bulshada, waxaana layaab noqotay in uusan ku jirin xiddiga reer England ee Jude Bellingham oo wacdaro ka dhigaya garoomada xilli-ciyaareedkan, isla markaana ka mid ah laacibiinta loogu hadal-haynta badnaa tan iyo bishii August.

Warbaahinta Japan-101 ee laga leeyahay waddanka Japan ayaa daraasad ku samaysay ciyaartoyda kubadda cagta ee sannadkan ay kooxahoodu ku jiraan Champions League ee lacagaha ugu badan ka sameeya baraha bulshada, gaar ahaan barta Instagram.

Lionel Messi, Cristiano Ronaldo, Benzema, Neymar Jr iyo ciyaartoyda waaweyn ee ka tagtay qaaradda Yurub, ayaan ku jirin qiimayntan la sameeyey oo kaliya ku kooban ciyaartoyda ay kooxahoodu ka qayb-gelayaan Champions League xilli-ciyaareedkan.

Xiddiga Kylian Mbappe oo ay ku xidhan 109 milyan oo qof bartiisa Instagram, ayaa ah ciyaartoyga ugu saamaynta badan lacagta ugu badan ne ka sameeya, waxaana celcelis ahaan ‘LIKE’ saara qoraalka ama muuqaal kasta oo uu soo dhigo bartiisa Instagram dad ka badan laba milyan oo qof.

Kylian Mbappe ayaa qoraal kasta oo uu soo dhigo Instagram, waxa uu ka sameeyaa lacag dhan £76,465.70 Gini, waxaana uu aad uga horreeyaa ciyaartoyga kaalinta labaad ku jira oo ah difaaca reer Spain ee Sergio Ramos oo xagaagii u wareegay Sevilla, kaas oo ka sameeya lacag dhan £48,208.35 Gini. Waxa Ramos ku xidhan 242 shirkadood oo uu sannadkii u sameeyo xayaysiisto bartiisa Instagram ah.

Erling Haaland oo ah mishiinka goolasha ee Yurub ayaa kaalinta lixaad fadhiya, waxaana ka horreeya Antoine Griezmann, Toni Kroos iyo Paul Pogba oo isaga laga ganaaxayo ciyaaraha muddo dheer kaddib markii lagu helay inuu isticmaalay daawo kordhisa awoodda ciyaartoyga.

Halkan hoose kaga bogo 10-ka ciyaartoy ee lacagta ugu badan ka sameeya  barta Instagram iyo dadka ku xidhan:

1. Kylian Mbappe – 109 million followers – £76,465.70

2. Sergio Ramos – 61.9 million followers – £48,208.35

3. Paul Pogba – 61.4 million followers – £51,040.23

4. Toni Kroos – 43.2 million followers – £27,480.55

5. Antoine Griezmann – 41.3 million followers – £31,730.83

6. Erling Haaland – 36.3 million followers – £11,333.26

7. Robert Lewandowski – 35.5 million followers – £20,326.28

8. Luka Modric – 33.3 million followers – £18,921.00

9. Kevin De Bruyne – 24.3 million followers – £12,818.03

10. Casemiro – 22.2 million followers – £10,617.10

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *