Liverpool Oo garoonkeeda Dhax Jiid jiidday Brentford, Kaalinta Labaadna Kala Baxday Arsenal

0
Kooxda Liverbool ayaa la wareegtay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League, kadib markii ay guul 3-0 ah ka gaartay Brentford oo ay ku karbaashtay Anfield, taas oo keentay in ay Arsenal ka riixdaan kaalinta labaad.
Naadiga Reds oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada midna laga badiyey, midna barbarro gashay, ayaa kusoo laabatay Waddada guusha, waxaana ay Brentford ka heleen saddex dhibcood oo muhiim ah oo ay kula sinmeen Manchester City oo farqiga goolasha kaga horreysa.
Xiddiga Mohamed Salah ayaa noqday geesiga Liverpool oo dhaliyey laba gool labadii qaybood ee ciyaarta, halka goolka saddexaadna uu ku daray Diogo Jota oo goalka u dambeeya saxeexay.
Ciyaartaan oo bandhig heersare ah uu sameeyey goolhaye Alisson oo badbaadiyey kubbado badan oo ay Brentford ku toogatay, ayaa waxay Reds hoggaanka u dabbaal-degtay daqiiqaddii 39-aad, markaas oo uu Mohamed Salah dhamaystiray kubbad uu weerarka dhexe uga dhiibay D  Nunez oo ay difaacyahanada Brentford moodayeen in ay offside tahay.
45-kii daqiiqadood ee hore ee ciyaarta ayay Liverpool heshay fursado badan oo ay goolal ku dhalin karaysay, waxaase uu nasiibku diiday D  Jota, Darwin Nunez iyo xataa difaacyahanada oo madax ku qabtay.
Ciyaaryahanka Masaarida ee Mohamed Salah ayaa hoggaanka usii dheereeyey kooxdiisa daqiiqaddii 62aad, markaas oo uu saxeexay gool aan ahayn noocyadii looga bartay.
Kubad uu dhinaca bidix kasoo qaaday Tsimikas ayaa uu Mohamed Salah ka helay xerada ganaaxa, waxaana uu ku qabtay madaxa oo uu ku leexiyey dhinaca shabaqa oo cidlo ahaa maadaama goolhayaha iyo difaacyahannadu raaceen ciyaartoyda ka horreysay.
Kooxda Reds ma aysan joojinin weerarka, sababta oo ah waxay ogaayeen inay dhibco ahaan soo qabanayaan Arsenal iyo Manchester City, waxayna sii wadeen isku-dayada gool-dhalinta iyo in ay yareeyaan farqiga ay City ka horreyso.
Daqiiqaddii 74-aad ayuu Diogo Jota banaanka ka toogtay darbad xooggan oo uu goolhaye Flekker wax fursad ah u waayey in uu joojiyo, waxayna Ciyaartu kusoo dhamaatay guul 3-0 ay oo ay Liverpool kula dabbaal-degtay taageereyaasheeda usoo buuxiyey Anfield.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *