Real Madrid Oo Shaqada Ka Ceyrisay Dhakhtarkeedii waa maxay sababta?

0
Kooxda Real Madrid ayaa shaqada ka Ceyrisay dhakhatarkeeda, kadib markii ay dhaawacyo saddex jeer soo gaareen xiddiga da’da yar ee reer Turkey ee Arda Guler, kaas oo mar kale muddo bil ah kooxda ka maqnaan doona isagoo aan xataa hal kulan u ciyaarin.
Naadiga Real Madrid ayaa waxa xilli-ciyaareedkaan hareeyey dhaawacyo, waxaana jilibka ka jabay Thibaut Courtois iyo Eder Militao oo labaduba aan fursad u heli doonin in ay xilli-ciyaareedkaan kusoo laabtaan. Waxa kale oo in muddo ah dhaawacyo ku maqnaaday Vinicius Junior, David Alaba iyo Ferland Mendy oo dib ugu soo laabteen kooxda.
Xaaladda dhaawaca ee aadka u xun ayaa walaaca ugu badan ku abuurtay Real Madrid waa da’yarka Arda Guler oo xagaagii ay kasoo iibsadeen Fenerbahce, laakiin awoodi la’ inuu taam noqdo, iyada oo haddana la sheegay in uu illaa bisha December garoomada ka maqnaan doono.
Dr Niko Mihic oo ah dhakhtarka koowaad ee kooxda Real Madrid ayaa gacanta ku hayay xaaladda Guler, waxayse maamulka kooxdu ka niyad jabeen siduu u maaraynayo xaaladda laacibkaan oo markii saddexaad la xaqiijiyey dhaawaciisa isagoo aan hal kulana u ciyaarin.
Xiddiga Guler ayaa markuu yimid Real Madrid waxa uu ku dhaawacmay tababarkii xagaagii, waxaana uu maqnaa in muddo ah, iyada oo markii uu soo laabtayna uu mar kale dhaawacmay oo uu galay qalliin uu kasoo noqday toddobaadyo ka hor, balse haddana taam ahaanshihiisu masii shaqaynin, waxaana soo gaaray dhaawac kale.
Naadiga Real Madrid ayaa waxa ay hadda raadinaysaa dhakhtar kale oo gacanta ku dhiga xaaladda ciyaartoydeeda dhaawacyada u jiifa, isla markaana meesha ka saara dhibaatada dhaawacyada ee kusoo noqnoqonaya naadiga.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *