Q25: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Bilo Kadib. Cayuuni iyo Canab waxa ay galeen Imtixaankii ugu Dambeeyey Semester-ka Koowaad kadibna Fasax Hal Bil ah ayey Heleyn.

Dhanka kale. Canab iyaduna imtixaankii ugu dambeeyey ayey kasoo baxday ee Semestar-ka Koowaad.

Labo isbuuc keliya ayaana la fasaxay.

Cali Jahwareer ayaa ku Bilawday waayo Cayuuni firaaqo waaye oo guriga ayey isla joogaan, Canab iyaduna waa firaaqo oo qadka internet-ka kama baxdo.

Cali waxa uu dejiyey Jadwal uu ku kala Xakameeyo. Canab waxa uu siiyey Fursad ah inuu la sheekeysto Habeenkii Keliya, isagoo ku yiri: “abaayo qaali Maamahaan Ciyaaraha ayaan badinayaa Marka habeenkii si fiican u wada sheekeysaneenaa”

Canab oo waxba ogeyn ayaa ku tiri: “Haye qaali aniguba Xilliyadaasi ayaan firaaqo badan leeyahay”

Cali marka uu qanciyey Canab kadib waxa uu usoo jeestay Cayuuni, Balse waxba kuma dhihin waayo iyada mar walba guriga ayaa laga helayaa.

》 Maalmihii Fasaxa waa uu u wada dhammaaday saddexdooda.

Cali iyo Cayuuni oo ah dad is-jecel, isku guri ah, isku jaamacad ah iyo isku fasal ah, waa mida sababtay Cali iyo Cayuuni inay noqdaan dad isku wada faraxsan, inkastoo Cali uu xiriir kale la wado cayuuni haddana waa ay isku faraxsanyihiin.

Canab iyo Cali Habeen walba waa isla sheekeysteen, iyaga oo isla kaftama kana hadla arimaha Jacaylka iyo mida aqooneedba.

Cali la sheekeysiga Canab waa uu isku niyad dhisayaa keliya oo waxa uu xiiso fara badan u hayaa Cayuuni, Subax walba ee ay u socdaan jaamacadda jidka ayey kusii sheekeystaan.

》 Maalin Maalmaha Ka mid ah

Cali iyo Cayuuni waxa ay ku wada sheekeysteen maqaayad ku taala Xeebta, waana Goobtii ay isku imaan jireen Canab iyo Cali.

Cayuuni oo og Cali inuu la sheekeysto Canab, waxa ay wax ka weydiisay xiriirka Canab halka uu ku dambeeyey”

Cali oo aan waxba ka qarin ayaa ku yiri: “Abaayo weli waan la xiriiraa, waayo waa ay i jeceshahay aniguna xiiso uma hayo inaa gooyana ma rabo balse markaan ku guursado waa hubaal waan jari doonaa xiriirkaasi, adigaan ku jeclahay”

Cayuuni: “Aboowe wax dhib ah uma arko xiriirkaasi haddiiba aad i jeceshahay aniguna aan ku jeclahay weliba aan isla joogno”

Cali: “Haa Runti waxaad tahay Ruux yaqaana Qiimaha uu leeyahay Qofka, Qofka Xoriyadiisa ama shaqsiyadiisa lama xanibo oo waa loo daayaa, adiguna aad iyo aad ayaad u taqaanaa arimahaasi”

Warmooge waaye maba oga Gabadhaani markii hore inay jiliin ku waday balse hadda si dhab ah ku jeceshahay.

Cayuuni: “haye aboowe macaan”

Cali iyo Cayuuni wada sheekeysikooda marka ay dhameysteen waxa ay galern Sawiro.

Cayuuni iyo Cali waxa ay iska qaadeen sawiro kala duwan, iyagoo u kala galeen marba qaab sida; iyagoo Gacmaha is Heysta, iyagoo Hab isa siinaya, iyo Keli keli.

Cali iyo Canab waa ay kasoo tageen Xeebta iyagoo Xaafadda soo wada aadeen.

Xoogaa kadib marka ay yimaadeen waxaaba aragtay Cali walaashiisa oo ah gabadha ugu weynaha Gabdhaha.

Cali Walaashiisa: ” Haye Xeebta ayaa laga yimid sooma ahan”

Cali: “Oo yaa waxaasi kuu sheegay”

Cali walaashiisa: “Waxaa Cadeyneysa Carada kabahiina ka muuqata”

Cayuuni iyo Cali kabaha ayey fiiriyeen Laakiin kuma wada arkin.

Cali walaashiisa: “sirtiina saan ayaaba ku helay oo wax caro ah ma jiraan balse marka aad wada fiiriseen ayaan ogaaday, ee beenta iga dhaafee maxaa la ii wadi waayey”

Cali: “xeebta waxaan u aadnay waa wax kaa weyn”

Cayuuni ayaana isha ugu baaqday Cali walaashiisa.

Cali walaashiisa ayaa fahamtay waxa ayna tiri: “Haa oo sidaasi miyaa, haye ii baashaala” arinta Cayuuni ayaana la wadaagtay oo la socodsiisay.

Cayuuni qolka ayey iska gashay.

Cali sidoo isagana qolka wiilasha ayuu galay.

Cali Walaashiisa iyo Cayuuni ayaana qolka ku wada sheekeystay.

Cayuuni: “”Haa abaayo Waa uu iga aqbalay weliba waa uu i jecelyahay, balse weli Canab ayuu xiriiriyaa”

Cali Walaashiisa: “Haa waaba beelo hadiiba ku jeclaaday, mana rabo walaalkeyga qof kale inuu guursado, keligaa ayuuna ku guursanayaa”

Cayuuni: “insha allah abaayo, haddana shaqooyinka guriga aynu kala qabsano”

Cali Walaashiisa: “Haye abaayo”

Cayuuni iyo Cali waxabarashadooda ayey sii wateen oo waxa ay ku jiraan Gabo -gabada Semester-ka Labaad.

》bilo kadib waxaa bilawday imtixaankii ugy dambeeyey Semester-ka Labaad.

Cali iyo Cayuuni si faraxad ku dheehan tahay ayey kusoo dhameeyeen Semester-ka Labaad, waxa ayna kasoo baxeen Imtixaanka sanad daraaseedka.

Cayuuni iyo Cali waxa ay Heleen Fasax labo Bilood ah.

Dhanka kale. Canab waxa ay kasoo baxday Imtixaanka ugu dambeeyey Sanad daraaseedka oo ay kasoo gudubtay Semester-ka Labaad.

Canab Fasax dheer ayey Heshay oo ah 3 bilood.

Canab Waxa ay go’aansatay inay dalka dib ugu laabato.

Canab waxa ay u tagtay Abtigeeda una sheegtay inay dalka dib ugu laabaneyso.

Canab Abtigeeda: “Gabadheyda Sanadka koowaad ayaad joogtaa taasina laguuma ogolaanayo, Jaamacadda ama dalka aad hadda joogto waxa ay ogolyihiin Labo mar keliya inuu baxo ardayga waana labadii sano hal mar”

Canab oo aan waxba ka qarinin ayaa ku dhahday: “Abti Wiil aan jeclahay ayaa jooga dalka muddo sannad ahna lama kulmin, marka i caawi”

Canab Abtigeeda: “Wiilkaasi hadii uu ku jecel yahay waa uu ku sugi karaa, laakiin haddii aad dalkaanu ka baxdo ogow waxbarashadii aad soo waday halka sano inay eber noqoneyso”

Canab: “Abti hadalkaada ayaa jira waana iska joogayaa”

Canab Abtigeeda: “isna diyaari waxaanu wada aadeenaa meelaha duur-joogta ay joogaa”

Canab: “Abti ma waxaad ka wadaa meelaha Xayawaanada lagu xanaaneeyo”

Canab Abtigeeda: “Haa, Dhammaan qoyska oo idil meesha ayey kusoo dalxiis tagayaan”

Canab: “Abti Diyaar ayaan ahay”

Dhanka kale. Cayuuni Qoyskooda waxa ay yimaadeen Guriga Cali.

Hooyada Cayuuni: “Cayuuni waa ayba ku milantay(Is dhexgal) Habaryarteeda iyo Ilmaheeda”

Cali: “Haa habo gabadhaadu waa gabadh Isla qalbi furan ooma Bashaash ah”

Cayuuni Aabbaheeda: “Caliyow banooniga ma iska dhaaftay mise weli waad ciyaartaa”

Cayuuni: “Aabbe weli waa uu Ciyaaraa oo kan miyaa dhaafayo Banooniga waaba Balwadiisee”

La Soco Qeybta Xigta Inshaa Allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *