Arsenal oo dhulka ku jiiday Kooda Burnley, soona gashay Kaalinta Labaad ee EPL-ka

0

Kooxda Arsenal ayaa la wareegtay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League, kadib markii ay 3-1 ku garaacday kooxda xaaladdu ku xun tahay ee Burnley, waxayna la sinmeen Manchester City oo hoggaanka ku haysa farqiga goolasha.

Naadiga Arsenal oo 10 ciyaartoy ku dhamaysatay oo casaan toos ah lagaga saaray F. Vieira, ayaa waxa libinteeda ku suntanaa L. Trossard oo hal gool dhaliyey, mid kalena caawiyey, iyada oo labada gool ee kale ay saxeexeen W. Saliba iyo O. Zinchenko.
Kooxda Gunners oo si xooggan ku bilaabatay Kulanka oo inta badan maamulkeeda haysay ayaa waxa ay derbiga difaaca ee Burnley jabisay waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray qaybta hore ee ciyaarta, markaas oo kubbad uu B. Saka dhawr difaac dhaxdooda ka gujiyey uu madax ku qabtay Trossard.
Ciyaaryahanka reer Belgium ayaa ku dhacay birta markii uu goolka dhaliyey, waxaana uu u muuqanayay inuu ka dhaawacmay garabka ama gacanta bidix, hase-yeeshee waxa uu qaybta labaad kusoo noqday isaga oo taam ah.
Naadiga Burnley oo dhawr weerar oo halis ahaa samaysay ayaa waxa qaybta hore afar kubbadood oo goolal loo qaatay ka badbaadiyey goolhaye Raya oo kubbadaha qaarkood ku qasbanaaday in uu koorne u saaro, hase-yeeshee Trafford ayaa isaguna waxa uu fursado halis ahaa ka badbaadiyey Saka iyo Martinelli.
Marka lagu soo nqoday qaybta labaad ayay kooxda martida ee Burnley ay samaysay bandhig heersare ah, waxayna keeneen gool uu u dhaliyey Brownhill, kaasoo uu tababare V. Kompany u dabbaal degay isagoo rumaysnaa inay awoodayso in kooxdiisu ay iska caabbiyi karto weerarka Gunners. VAR oo laga soo hubiyey goolkaan ayaa fasaxay.
3 daqiiqadood oo kaliya ayay ku qaadatay Arsenal in ay dib ula soo noqdaan hoggaanka. Kubbad uu L. Trossard dhinaca kaas oo qaaday ayaa waxa goolka ku leexiyey W. Saliba oo daqiiqaddii 57-aad ka dhigay 2-1 ay hoggaanka hayso kooxdiisu.
Goalka labaad ayaa yimid markuu Martinelli lumiyey fursad halis ahayd oo loo qaatay inay gool tahay.
Zinchenko ayaa hoggaanka usii dheereeyey Arsenal daqiiqaddii 74-aad, isagoo dhaliyey gool aad u qurux badnaa oo uu kubaddiisa kasoo shaqeeyey Trossard. Xiddiga reer Belgium ayaa kubadda keenay xerada ganaaxa, waxaana la kulmay O’Shea oo madax ku celiyey, balse Zinchenko ayaa kubadda ku qabtay oo ku celiyey dhinaca goolka, sidaasna ciyaarta kaga dhigay 3-1.
Kooxda Arsenal ayaa waxa tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ay ku ciyaaraysay 10 ciyaartoy markiii casaan lagaga saaray F. Vieira oo dacasad ku qabtay Brownhill.
Natiijadaan ayaa ka dhigan in Arsenal ay yeelatay 27 dhibcood, waxayna isku mid yihiin Manchester City oo farqiga goolasha kaga horreysa, laakiin Axadda la ciyaaraysa Chelsea.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *