Bayern Munich iyo Real Madrid Oo Usoo Gudubtay Wareegga 16-ka Champions League iyo Natiijooyinka Kulamadii xalay

0

Kooxda Real Madrid ayaa iska xaadirisay wareegga 16-ka Champions League, kaddib markay Santiago Bernabeu ku dhax jiid jiideen kooxda reer Portugal ee S. Braga oo ay 3-0 ku burburiyeen.

Naadiga Los Blancos ayaa sii wadata rikoorka guulaha Champions League, waxaynabadiyeen dhamaan afartii kulan ee ay ciyaareen, taasoo keentay inay yeeshaan 12 dhibcood oo ay soo gudbaan iyada oo laba ciyaarood ka harsan yihiin Group-ka C ee ay ku wehelinayaan Napoli, Sporting Braga iyo Union Berling oo uu waqtigu ku xun yahay.

Ciyaaryahanka Brahim Diaz ayaa wacdaro ka dhigay garoonka oo burburiyey difaaca Braga, isagoo hoggaanka u dhiibay kooxdiis Real Madrid daqiiqaddii 27-aad, kadib markii uu baas dahabi ah oo goolka hortiisa ah uu ka helay Rodrygo Goes.

Kubbad uu F. Mendy ka dhax saaray laba difaac ayuu Rodrygo dhinaca bidix kala soo galay xerada ganaaxa, waxaana uu kubadda usoo dhiibay Brahim Diaz oo lugta bidix si xarrago leh ugu dhamaystiray.

Goolhaye A. Lunin ayaa la baxsaday Real Madrid bilowga ciyaarta, waxaana uu badbaadiyey rikoore uu galay xiddiga Lucas Vazquez oo kusoo bilowday booska D. Carvajal oo la nasiyey.

Goalkan ayaa ahaa midka kaliya ee labada kooxood ay kala dhaliyeen qaybta hore, hase yeeshee Real Madrid oo ahayd kooxda gacanta sareysa ayaa markii lagu soo noqday qaybta labaad waxa ay weerar aan kala joogsi lahayn ku ekaysay goolka Braga, iyada oo Rodrygo iyo Vincius Junior ay si adag u shaqaynayeen.

Daqiiqaddii 58-aad ayuu Vinicius Junior keenay goolka labaad ee Real Madrid ee sida dhabta ah u niyad jabiyey Sporting Braga, 3 daqiiqadood kadibna waxa goolka saddexaad oo qurux badnaa dhaliyey Rodrygo Goes.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay usoo gudubtay wareegga 16-ka, waxaana labada ciyaarood ee u harsan ay kaliya ilaashan doonaan in ay booska kaalinta koowaad kaga soo gudbaan grouo-ka ay ku jiraan, taasoo kaliya ay u baahan yihiin in ay hal mar badiyaan labada ciyaarood ee u harsan, maadaama ay Napoli ka horreeyaan shan dhibcood.

Dhanka kale, waxa wareegga 16-ka sii tiigsatay Bayern Munich oo waqti dambe ka dishay kooxda reer Turkey ee Galatasaray oo ay ku garaaceen 2-1.

Weerar yahanka Harry Kane ayaa daqiiqadihii 80-aad iyo 86-aad is raaciyey laba gool oo daran doori ah oo niyad jabiyey difaacii adkaysiga badnaa ee Galatasaray.

Waxa kale oo guul weyn gaartay Arsenal oo ay dhaawacyo ragaadiyeen oo 2-0 ku tuntay Sevilla oo rajo la’aan kasii noqonaysa tartanka Champions League.

Labada gool oo labadii qaybood ee ciyaarta ay kala dhaliyeen xiddigaha L. Trossard iyo B. Saka ayaa Arsenal sabab ugu noqday in ay yeeshaan 9 dhibcood, halka PSV iyo Lens oo kusoo xiga ay min 5 dhibcood haystaan oo ay barbaro ku dhamaysteen kulankoodii caawa, iyada oo Sevilla ay haysato 2 dhibcood oo kaliya.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *