Newcastle United Oo Joojisay Tareenkii Guulaha Ee Arsenal xili ay guul darro xanuun badan biday.

0

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro kala kulantay Newcastle United kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Gunners ayaa dusha loo saaray guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka Premier League iyada oo la soo afjaray guulihii Arsenal ee horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar adag oo ay koox walba dhinaceeda u daalayasay.

Kooxda Arsenal ayaa ku fiicnayd dhinaca maamulista ciyaarta laakiin Gunners ayaa ku dhibaatootay in ay dhaafto daafaca adag ee Newcastle.

Arsenal ayaa samaysay fursado sidoo kale Newcastle ayaa heshay fursado cajiib ah oo ay ku dhalin gaartay goolal.

Qaybta hore ee ciyaarta yaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo ayna labada kooxoodba wax goolal ah kala dhalin.

Labada kooxood ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe waxana ay doonayeen in ay mid walba dhaliso gool ay ciyaarta hogaanka ugu qabato.

Daqiiqadii 64-aad ayay Newcastle dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Anthony Gordon oo kooxdiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta qeybtii labaad.

Arsenal ayaa bilowday in ay raadiso goolka bar-baraha xilli ay Newcastle gashay daafac adag.

Waxa sidaas ku dhamataay ciyaarta oo ay Newcastle garaacday Arsenal isla markaas Gunners dusha loo saaray guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka premier league xili ciyaaredkan.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *