Bruno Fernandes Oo Jidka Guusha Kusoo Celiyey Manchester United wakhtiiga dhimashada.

0

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa kusoo laabatay wadada guusha, waxaana ay saddex dhibcood oo muhiim ah kasoo qaateen Fulham oo ay ku booqdeen magaalada London, halkaas oo gool madi ah kaas oo waqti dambe  uu dhaliyey Bruno Fernandes ay kusoo badiyeen.

Qalad ay sameeyeen difaacyahannada Fulham oo saddex jeer kubbado ay laadeen u dhiibtay ciyaartooy hortooda taagnaa, ayaa waxa ugu dambayntii darbad xooggan ku celiyey Bruno Fernandes oo ku hubsaday shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Bernd Leno.

Manchester United oo labadii kulan ee ugu dambeeyey ay Manchester City iyo Newcastle ka badiyeen ayaa si aad ah ugu baahnayd guul iney ay hesho, waxaana natiijada ay maanta soo heleen ay usoo dallacsiisay kaalinta lixaad ee  kala sareynta horyaalka Premier League, inkasta oo ay ciyaartoodu ahayd kulankii koowaad ee usbuucan.

Tobankii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta ayay Manc United u dabbaal-degtay gool uu u dhaliyey Scott McTominay, balse markii ay dabbaal-degga dhamaysteen ayay VAR soo dhax-gashay oo ay hubsiimo dheer kaddib meesha ka saartay goolkaas oo ahaa offside.

Ciyaartan oo labada kooxoodba ay ku dhibaatoodeen sidii ay fursado u abuuri lahaayeen qaybta hore ciyaarta, ayaa waxay Man United goolka Fulham toogatay hal mar oo kaliya qaybta hore, waxaana ay ku kala nasteen goolal la’aan.

Markii la isku soo laabtay qaybta labaad ayay Fulham kordhisay weerarkeeda, waxaana laba jeer la baxsaday Andre Onana oo kubbado halis ahaa ka qabtay Willian iyo Wilson halka Palhinha isku day uu sameeyey uu joojiyey goolhayaha reer Cameroon.

Daqiiqaddii 90+1 ee waqtiga dheeraadka ah ee lagu daray ciyaarta ayaa Man United ay keentay goolka guusha waxaana udhaliyey Bruno Fernandes oo bannaanka kaga toogtay kubbad ay difaacyada Fulham saddex jeer laadeen oo ay u dhiibeen ciyaartooyo Man United ah.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester United ay yeelatay 18 dhibcood oo ay ka urursatay 11 kulan oo Premier League ah, iyagoo badiyey lix jeer, shanta kalena laga badiyey.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *