Chelsea Oo Go’aan Ka Gaartay Xiisaha Real Madrid Ee Saxiixa Reece James.

0

Mauricio Pochettino, Todd Boehly iyo maamulka Chelsea ayaa isku raacay in Reece James uu yahay ciyaaryahan muhiim ah, islamarkaana aysan wax xiiso ah u qabin inay ka iibiyaan Real Madrid xidigaan.

Kabtanka Chelsea R.James ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u wareegayo caasimadda Spain in muddo ah iyadoo tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti uu u arko inuu yahay bedelka Dani Carvajal.

Indha-indheeayaasha Real Madrid ayaa la sheegay inay la dhaceen qaab ciyaareedka Reece James markii kooxda La Liga ay la ciyaartay Chelsea kulankii 8 dhamaadka ee champions League bishii April ee sanadkii 2022.

Inkastoo Reece James uu heshiis kordhin u saxiixay Chelsea ilaa 2028 tan iyo markaas, majaladda Isbaanishka ee Sport ayaa horaantii xilli ciyaareedkan sheegtay in Real Madrid aysan weli ka quusan inay isku daydo inay soo la so saxiixato daafaca midig ee heerka caalami ee dalka England.

Laakiin sida laga soo xigtay warbixinta cusub, Chelsea ayaan lagu tijaabin doonin iib, iyadoo kooxda oo dhan ay ku heshiiyeen in James qayb muhiim ah ka yahay mashruuca Pochettino ee mustaqbalka.

Chelsea ayaa aaminsan in 23-jirkaan ka soo baxay akadeemiyadda kooxda uu weli leeyahay awood badan oo uu ka sii fiicnaan karo sida uu hadda yahay.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *