Lionel Messi Oo Magacaabay AFAR Ciyaartoy oo Ku Guuleysanaya Ballon d’Or Iyo Xiddig Weyn Ee Uu Ka Reebay

0

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa magacaabay afar ciyaartoy ee ku guuleysan doona abaal-marinta Ballon d’Or sannadaha soo socda, isla markaana leh saansaanta ugu wanaagsan laakiin waxaa aanu liiskiisa kusoo darin ciyaaryanka loogu hadal-haynta badan yahay xilli-ciyaareedkan socda.

Lionel Messi oo habenkii Isniintii ku guuleystay Abaal-marinta Ballon d’Or markiisii siddeedaad, ayaa waxa uu bixiyey waraysi uu ku rajo-geliyey afar ciyaartoy oo uu u saadaaliyey inay ku guuleysanayaan abaal-marintan, balse waxa aanu soo qaadin laacib si weyn loogu saadaalinayo abaalmarinta.

36-jirkan ayaa sheegay, in labadii ciyaartoy ee la tartameysay ee kaalmaha labaad iyo saddexaad galay ee Erling Haaland iyo Kylian Mbappe ay ku guuleysan doonaan abaal-marinta sannadaha soo socda.

Waxa kale oo uu Lionel Messi magacaabay Vinicius Junior oo hadda kaalinta shanaad ka galay tartanka oo uu isagana u saadaaliyey, halka da’yarka Barcelona ee rikoodh-jabiyaha noqday ee Lamine Yamal uu isagana xusay inuu leeyahay saansaan uu ugu guuleysan karayo abaal-marinta Ballon d’Or sanadaha so aadan.

Messi oo la hadlayay wargeyska L’Equipe ee dalka france ayaa yidhi: “Ciyaartoyda sannadaha soo socda ku tartami doona Ballon d’Or waxay noqon doonaan kuwo xafiiltankoodu qurux-badnaado, waxaana ka mid ah Mbappe, Haaland, Vinicius Jr iyo kuwo kale oo badan oo da’yar ah.

“Waxaa kale oo ay ila tahay Lamine Yamal oo aad u da’yar oo hadda u ciyaara Barcelona in uu leeyahay mustaqbal uu ugu dagaallami doono.”

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta Ingiriiska ayaa waxay Lionel Messi ku eedaysay inuu iska indho tiray Jude Bellingham oo ay ku tilmaameen ciyaartoyga ugu cadcad ee waqtigan ku guuleysan karaya abaal-marintan, kaddib 13 ciyaarood oo uu u saftay Real Madrid waxuu ku dhaliyey 13 gool oo ay ku jiraan laba gool oo uu Sabtidii ka dhaliyey Barcelona kulanki El Clasico.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *