DEG DEG: Chelsea oo laga jaraayo Dhibco Laga iyo Dembiga Culus Ee Loo Haysto

0

Kooxda Chelsea ayaa lagu bilaabay baaritaano uu samaynaayo Premier League oo sababi karaya in laga jaro dhibco, taasoo keeni doonta inay hoos uga sii dhacdo halka ay hadda ku jirto oo ay waqti murugo oo kasii liita intii hore ay galaan.

Baaritaanka Premier League ayaa la shaaciyey in si rasmi ah loo bilaabay, waxaana ciqaabtiisu ay ku dambayn doontaa in laga jaro dhibco horyaalka Premier League ah..

Naadiga Blues ayaa lagu haystaa qaabkii ay ula saxeexatay laba ciyaartoy oo muddo ay ka soo wareegtay waqtigii ay yimaadeen Stamford Bridge, laakiin ay hadda soo baxday in heshiisyadooda uu ku jiray mad-madow oo hadda baaritaanka la bilaabay, ciqaabtana hadda ayey mari doonto kooxdu.

2-da ciyaartoy ee saxeexyadooda lagu haysto waa xiddiga reer Brazil ee William oo sannadkii 2013 ay waqtigii uu kooxda mulkiilaha ka ahaa Roman Abramovich ay kala soo wareegeen kooxda Ruushka ka dhisan ee Anzhi Makhachkla, iyo S. Eto’o oo si bilaash ah ay isla sannadkaas kagala soo wareegeen Inter Milan.

Saxeexyadaan ayaa la sheegay inaysan u dhicin si waafaqsan sharciga, isla markaana ay hadda soo baxeen caddaymaha muujinaya inuu qalad dhacay oo ay tahay baaritaan buuxa la sameeyo, isla markaana la ciqaabo kooxda.

Warbaahinta Ingiriiska sida ay warineyso ayaa sheegaysa in ganaaxa lagu ridaayo Chelsea uu noqon doono in dhibco laga jaro.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *