Shan ciyaartoy Oo Dhaawacyo Kaga maqnaa oo usoo Laabtay Barcelona Ka Hor Kulanka El Clasico Ee Real Madrid.

0

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dib u heshay shan ciyaartoy oo dhaawacyo kaga maqnaa oo si buuxda tababarka ugu soo noqday, Kuwaas oo la sheegay in ay diyaar u yihiin ciyaarta adag ee Sabtida El Clasico ee ay Real Madrid ku martigelinayaan estadi olimpic.

Xavi oo shalay soo dhaweeyey saddexda ciyaartoy ee Robert Lewandowski, Frenkie de Jong iyo Raphinha, ayaa waxa maantana garoonka tababarka uu ku qaabilay Jules Kounde iyo Pedri oo iyaguna si buuxda tababarka ugu soo noqday.

Wargeyska El Partidozo de COPE ee kasoo baxa waddanka Spain, ayaa ku warramay in shanta ciyaartoyba ay qaateen tababarkii Jimcihii maanta ee ay kooxdoodu iskugu diyaarinaysay kulan El Clasico ee Real Madrid ee Sabtida.

Xavi ayaa go’aan ka gaadhi doona haddii uu ciyaartoydan safi doono kulankan ka dhacaya garoonka Estadi Olímpic Lluís, sababtoo ah waqtiga ay maqnaayeen oo badnaa iyo tababarka ay kooxda koowaad la qaateen oo kooban, waxaana ay dhakhaatiirta kooxdiisa isla eegi doonaan khataraha ka imaan kara haddii la ciyaarsiiyo kulankan.

Lewandowski ayaa dhaawac kaga maqnaa saddexdii ciyaarood ee ugu danbeeyey kooxdiisa, halka Frenkie de Jong uu tan iyo badhtamaha bishii September u maqnaa dhaawac kuraanta ah oo sababay inuu seego lix kulan iyo Raphinha oo waxyeello kasoo gaadhay muruqa cajirka kaga maqnaa naadigiisa afar ciyaarood, halka Pedri uu laba kulan oo kaliya u ciyaaray kooxdiisa xilli-ciyaareedkan socda. Jules Kounde ayaa ahaa ciyaartoyga ugu danbeeyey ee dhaawac soo gaadhay, waxaana uu wax ka noqday kuraanta oo uu laba ciyaarood uga maqnaa kooxdiisa.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *