Q21: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Toddobo Maalimood kadib. Canab ayaa soo gashay Qadka Internet-ka. Waxa ayna ku aragtay Cali oo dhawr mar fariin usoo diray, kadib waa ay u jawaabtay oo ayna ku tiri; “Aboowe macaane waan nabad tagay oo maalmo badanaa joogaa, laakiin waxaa igu dhacday Teleefoonka ayaa iga lumay markaan diyaaradda kasoo taganaayey, hadda waan fiicanahay alle ayaana mahad iska leh”

Cali oo guriga jooga lana joogta Cayuuni waxaa soo yeeray Teleefoonka Cali oo fariin kusoo dhacday oona ah dhanka internet-ka.

Cali waa uu fiiriyey waxa uuna ku arkay fariin kaga timid Canab, waa uuna farxay, kadibna Cayuuni ayuu tusiyey.

Cayuuni oo jiliinka ku dheereysa ayaa caadi iskaga dhigtay oona ku tiri: “Aboowe maantay waa farxadaada saan darremayo”

Cali: “Haa dabcan marka waan la sheekeysanayaa waqti isii hee ha iga mashquulinin”

Cayuuni: “Haye aboowe Cabitaan ayaan kuu keenayaa”

Cali: “Haye abaaayo”

Cali waxa uu u jawaabay Canab waxa uuna ku yiri; “Masha allah haddiiba aad nabad qabto, macaaney kuu xiisay runti, ee kawaran jawiga wadanka aad joogto”

Canab: “jawiga waaba la qabsan la’ahay Qabow ayaana jiro, meeshaana adigaa ka maqan qaali”

Cali waa uu wacay Canab.

Canab iyaduna waa ay ka qabatay.

Cali iyo Canab xoogaa iyagoo codka ku sheekeysanayaan ayey canab ku tiri Muuqaal ahaan (Video ahaan) iga soo wac.

Cali waa uu ka wacay, waxa uuna arkay Canab oo Jaakada Qabowga xiran, kadibna kaftan iyo sheeko ayey sii galaan iyagoo si Muuqaal ah ku sheekeysanayaan.

Cayuuni ayaa u keentay Cabitaanka cali. Kadibna waa aybka tagtay, marka ay kasoo tagtay ayey isla hadashay oona isku tiri; “Hadduu jiifanayaa haddiiba uu la hadlaaba gabadhaasi waayo Kaniini hurdo saa’id ah ayaan ugu soo daray cabitaanka”

Cali cabitaanka ayuu xoogaa cabay, waxa uuna dareemay hurdo, isagoo kursiga saaran ayuu seexday.

Cayuuni inta ay soo laabatay ayey Cali Kor usoo qaatay oo ay seexisay Sariirtiisa, qolka waa faaruq oo labadooda keliya ayaaba ku jira, cali shaatiga ayey ka furtay oo xabadkiisa keliya ayeyna qaawisay, Xabadkiisa inta ay ku seexatay Ayey sawir iskaga qaatay kuna qortay Xaaskiisa Xalaasha dhawaan waaye, waa ayna u dirtay Canab.

Canab oo aan qadka ka bixin ayaa aragtay Sawirka laga soo diray Ciwaanka Cali, waa ay eegtay Kadibna dareentay xoogaa wareer ah, waa ayna isla hadashay oo ay tiri; “Oo gabadha ku jiifta Xabadkiisa weliba isaga oo shaatiga u furan yahay yey noqon kartaa, waxaaba kasii daran Xaaskiisa xalaasha ayeyba noqon doontaa ayaaba ku qoran sawirka.

Cayuuni marka ay dareentay inay aragtay Canab waa ay ka daleeday Sawirkii iyoo Fariinta ay u dirtay, kadibna Cali shaatiga ayey u xirtay. Qolkana waa ay kasoo baxday

Gabadh jiliinka caan ku ah Cayuuuunii

Canab ayaa soo wacday Teleefoonaka Cali, laakiin waa laga qaban waayey.

Canab oo isla hadashay ayaa tiri; “Horta waa isaga hurdaayeyee Tolow yaa waaye qofka ii soo diray sawirka, Balse waan arki doonaa wixii soo baxa, haddii uu isoo waci waayo waxaa cad inuu isaga ii soo diray, haddii uu isoo waco isaga iima soo dirin, Qadkana kama baxayo”

Daqiiqado kadib

Cali waa uu soo kacay, markuu soo kacay ayuuba yaabay oo isku yiri; “Yaah! Yaa Halkaani isoo seexiyey waa aniga Kursiga Fadhiyey” markuu intaasi dhahay ayuu teleefoonka fiiriyey, waxa uuna ku arkay wacitaanka Canab iyo wax in la daleeday.

Cali inta uu wacin Canab ayuu weydiiyey wiilasha oo qolka ku jiraan wax meeshaan ka dhacay.

Wiilasha: “Cali Haye hurdada Maalin Cadeyda ah ayaaba ku riyooday miyaa, war annaga markaan imaan waaba yaabnay sidaad u jiiftay xaataa kabaha annaga ayaa kaa siibnay”

Cali inta uu sariirta fadhiistay ayuu xusuus galay, kadibna u tagay Cayuuni.

Markuu u tagay Cayuuni ayuu ku yiri: “Cabitaanka miyaa wax igu soo dartay waaba shakiyey”

Cayuuni oo gabadh jiliinka ku fiican ayaa ku tiri: “Yaah! oo maxaa waaye waxa aad sheekeyso, aniga waxaasi maba aqaanee”

Dawaco aan la fahmi karin Cayuuniiii

Cali: “Inta aad cabitaanka kaniini igu dartay ayaad sariirta i seexisay sooma ahan”

Cali hooyadiisa ayaana u timid iyagoo murmayaan. Waxa ayna ku tiri: “Wariyaa Cali gabadhaan maxaad ku heysataa Haddiiba ay Cabitaan kuu keentay waaba gabadh kaaga dhaw walaalahaada, waayo mar weliba Naftaada ayey ka fikirtaa iyadoon teeda ka fikirin, Ma ogtahay marka ay jaamacadda ka wada imaadiin iyada oo aan nasanin waxa ay gashaa jikada si au qado kuugu diyaariso, Cayuuni waa gabadh aan kaga jeclahay dhamaan kuwa aan dhalay, waayo waa gabadha keliya ee nolosheenna ka fikirta, Adiguna inta aad u timaadid ayaad ku qeylineysaa”

Cayuuni oo jiliinkeeda sii qurxisay ayey  ka baxday jikada iyadoo Oohin Been iska keentay kadibna qolka gabadhaha ayey gashay.

Gabdhaha cali la dhashteen ayaa arkay Cayuuni ooyneysa kadibna waxa ay weydiiyeen waxa ay u ooyneyso.

Cayuuni waa ay u sheegtay sababta ay u ooyneyso.

Gabdhaha Cali la dhashteen inta ay Cali u tageen ayey ku dhaheen: “Gabadha keliya ee innaga ilaalin jirtay ilmada ayaa maantay ka ilmeysiisay, Aboowe maxaa dhacay miyaadan ka warheynin miyaa sida ay ka dhigtay gurigaan, aboowe inta aad ka oohisay Cayuuni annagana waad naga oohinsiisay, Annagana waan kaa wada xanaaqnay” kadibna waa ay kasoo baxeen oo ay u tageen Cayuuni.

Cali hooyadiisa: “Cali waxa aad sameysay waa taas Meel lagaa jecelyahay ayaad ka dhigatay Cadaw, Walaalahaada oo idil waxa ay la safteen Cayuuni oo ah gabadh inoo horseeday farxad, Abaalkeeduna waxa aad ka dhigtay inay oohin, Hal mid ayaan ku siinayaa inaad u tagto ama aad ula hadasho si gooni ah kana raali keliso falka aad ku sameysay, Haddii aad sameyn weysana Anigana iyadaan la safan doonaa”

Cayuuni Jabhad ayeyba ka sameysatay Guriga…..

Cali oo ka qoomameynaya Hadalka uu ku dhahay Cayuuni, ayuu hooyadiisa ku dhahay; “Hooyo igu Haley anigaa Xalin doona taasi”

Cali Hooyadiisa waxa ay u yeertay Cayuuni.

Cayuuni waa ayna u timid.

Cali Hooyadiisa: “Gabadheyda Runti wax walba waan la socdaa, inaad kaniini ugu Dartay cabitaanka, kadibna xabadkiisa ku seexatay sawirna iskaga qaatay waan ku arkay, Balse taasi waa waxaan kuu dirsaday Shaqadaadana waad kasoo baxday, inta harsan waad dhameyn doontaa”

Cayuuni: “Habo adiga wax walba waad la socotaa, Haddii aadan i badbaadin laheyn hadaadi waan fashilmi lahaa, Haddana sheekada si fiican ayey u socotaa”

Calu Hooyadiisa: “isaga waxaan ku dhahay raali-geli iyada, Marka waad taqaanaa waxaad qabaneysid waxbana kuma sheegayo”

Cayuuni: “Haa aad iyo aad ayaan u garan Habo”

Cali Hooyadiisa iyo Cayuuni sidaasi ku heshiiyeen

Cali inta uu qolka ku laabtay ayuu internet-ka ka wacay Canab oo online ah.

Canab waa ay ka qabatay kadibna waxa ay weydiisay “Gabadha xabadkiisa ku jiiftay yey aheyd”

Cali: “Abaayo waxa aad sheekeyso ma fahmin ee ii shaaci si aan u fahmo”

Canab: “Sawir ayaa la ii soo diray gabadh xabadkaada ku jiiftay, Balse nasiib xumo markaan arkay horay ayaa laga deleeday, waxaana ku qornaay Xaaskiisa xalaasha waaye”

Cali: “Abaayo aniga waaba iska hurday  waadna i arkeysay, ilaa iyo hadda waan la yaabanahay qofka inuu xabadkeyga ku jiiftay haddana sawir kuugu diray”

Canab: “Aboowe macaane dhib malahan, waxaa laga yaabaa dad ku foodeenaya inay yihiin, Waxaana kuu sheegi rabay beri dambe jaamacadda ayaan bilaabayaa oo hadaadi ayaan isa soo qoray, waana jaamacad qurux badan”

Cali: “Masha allah waa beelo, abayo qaali Hadda xoogaa madaxa i xanuunayo waaba yaabanahay sida ay waxa aad sheegeyso u dhaceen”

Canab: “Waxaasi dhib malahan ee is-deji, Haddana qeyr badan oo Abti ayaan meel isla aadeynaa”

Cali: “Haye qaali qeyr badan kuu rajeynaa”

Cali marka uu macsalaameeyey Canab, kadib waxa uu teleefoonka ka wacay Cayuuni.

Cayuuni ayaa egtay teleefoonka soo wacayo, waxa ayna ku aragtay wacitaanka Cali waa ayna ka qabatay.

Cali: “Abaayo Hadalkii Maantay ku dhahay waan ka qoomameenayaa hana iga Xumaanin beri Galab waxaanu isla aadeynaa Beer Hebel oo ah meel aad u qurux badan, halkaasi ayaana ku sheekeysan doonaa.

Cayuuni oo is yar adkeysay ayaa ku tiri; “Maxad igu balamineysaa Meeshaasi waad ogtahay aniga iyo adi inaan heshiis aheyn markii aad igu qeylisay ayaaba kaa niyad jabaye”

Cali: “Abaayo Iga aqbal Beri wax Kedis ah ayaana kuu siinayaa”

Cayuuni: “Haye waan kaa aqbalay Beri galab waan isla aadi doonaa meesha aad sheekeyso iyo waxa aad ii heyso waan arki doonaa”

Cali: “Cidna ha u sheegin inaa beri balansanahay, Meel ayaana isku wada balamin doonaa oo iska raaceynaa”

Cayuuni: “diyaar waaye Cidna uma sheegi doono”

War mooge Hooyadiisa wax walba in loo sheegayo ma oga.

Cali iyo Cayuuni halkaasi kusoo xireen Hadalka.

Cayuuni Waxa ay u tagtay Cali hooyadiisa, waa ayna u sheegtay Hadalka cali iyo sida uu u  dhahay.

Cali Hooyadiisa: “Waa Beelo ee Shaqo wacan Gabadheydii”

La Soco Qeybta Xigta Inshaa Allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *