barcelona oo garaacday Shakhtar donetsk guushedii sadaxaad ne gaartay.

0

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guushii saddexaad gaartay tartanka Champions League, waxaana ay yeelatay sagaal dhibcood saddex kulan gudahood, waxaanay caawa 2-1 ku muquuniyeen Shakhtar Donetsk oo ka galaafatay xiddiga Joao Felix oo waqti dambe dhaawac kaga baxay garoonka.

Laba gool oo qaybtii hore ay kala dhaliyeen Fermin Lopez iyo Ferran Torres ayaa Barcelona siiyey guul kulan ay dersin ciyaartooyo ah dhaawac kaga maqnaayeen, hase yeeshee waxa gool kale oo uu dhaliyey laga diiday Lopez.

Barcelona oo inta badan maamulaysay ciyaarta ayaan samaynayn khatar badan oo dhinaca weerarka ah, waxaanay tabayeen xiddigo badan oo dhaawacyo kala duwan iyo ganaax kaga maqaa.

Kubbad uu Fermin Lopez birta ku dhuftay oo dib usoo noqotay ayaa waxa goolka ku celiyey Ferran Torres daqiiqaddii 28aad ee ciyaarta, waxaana goolkan oo hore uu garsooraha dhexe ugu tilmaamay offside fasaxday VAR oo xaqiijisay in aanu da’yarka Spain ee Lopez ku jirin wax offside ah waqtigii uu birta garaacayay.

Siddeed daqiiqadood kaddib ayay Barcelona sii dheeraysatay hoggaanka, waxaana gool u dhaliyey Lopez oo ahaa xiddigooda kulankan, halka kooxda martida ahayd ee Shakhtar Donetsk ay waqti dambe keentay gool madi ahaa.

Guushan ayaa waxaa Barcelona u garab socday walwal ay ka qaadeen dhaawac soo gaadhay Joao Felix oo garoonka laga saaray daqiiqaddii 75-aad, waxaana uu dhaawaciisu yimid iyadoo Sabtida ay la ballansan yihiin Real Madrid kulan El Clasico ah.

 

 

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *