Arsenal Oo Barbarro Waqti Dambe Ah Ka Tuugtay Chelsea waxa ayna ilaashatay Unbeaten ka.

0

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa xajisan weyday guul gacanteeda ku jirtay, waxaanay ogolaatay in Arsenal ay laba gool ka dhaliso lix daqiiqadood gudahood xilli ay ciyaartu sii dhamaanaysay, waxaanay labada kooxaha reer London ayaa ku heshiiyeen barbarro 2-2 ah.

Chelsea ayaa laba gool oo midkood rikoodhe ahaa ku hogaamineysay ciyaarta illaa intii laga soo gaadhayay daqiiqaddii 77-aad, Markaas oo Arsenal ay ka faa’iidaysatay laba qalad oo ay sameeyeen ciyaartoyda Chelsea oo sababay in laba gool ay ka dhaliyaan.

Daqiiqaddii 15-aad ee ciyaarta ayaa Chelsea ay hoggaanka ciyaarta ku qabatay rikoodhe uu u dhaliyey Palmer kaddib markii Blues loo dhigay rikoodhe laga soo hubiyey VAR oo ahaa kubbad gacanta kaga dhacday William Saliba.

Blues oo garoonkeeda joogtay oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey guulo kasoo hoysay kulamadeedii horyaalka Premier League, ayaa si adag uga halgantay khadka dhexe, halka Mudryk uu ahaa khatarta khalkhalinaysay difaacyada Arsenal.

Laakiin markii la isku soo noqday qaybta labaad ee ay ciyaartu socotay 3-daqiiqadood oo kaliya ayuu Mudryk Mykhailo hoggaanka usii dheereeyey kooxdiisa Chelsea, isagoo darbad uu kaga toogtay dhinaca bidix ka dul-qaaday goolhaye Raya, kaddibna u dabbaal-degay sidii ay kooxdiisu guuleysatay.

Declan Rice ayaa ciyaarta kusoo celiyey Arsenal oo niyad-jabtay daqiiqaddii 77-aad, kaddib markii kubbad uu goolhayaha Chelsea ee Sanchez uu si qaldan ugu dhiibtay uu ku celiyey goolka oo cidlo ah, sidaana ciyaarta kaga dhigay 2-1, isaga oo masaafo dhan 30 yard ah kaga toogtay goolka.

Laba beddel oo uu sameeyey Mikel Arteta ayeey arsenal ku aflaxday, waxaana daqiiqaddii 79aad soo galay Leandro Trossard iyo Kai Havertz oo sii xoojiyey weerarka kooxdooda.

Laba beddel oo uu sameeyey Mikel Arteta ayaa uu ku aflaxay, waxaana daqiiqaddii 79-aad soo galay  Havertz iyo Leandro Trossard oo sii xoojiyey weerarka kooxdooda.

Kubbad uu Bukayo Saka kasoo qaaday garabka midig ayaa waxa sii raaciyay Leandro Trossard oo goolka hortiisa ka helay, kaddibna dhinaca ka dhigay Sanchez, sidaana ciyaarta kaga dhigay barbarro daqiiqaddii 84-aad.

Eddie Nketiah ayaa u dhowaaday in uu dhaliyo goolka guusha ee kooxdiisa waqti dambe, waxaase ka diiday goolhaaye Sanchez, iyadoo ciyaartuna sidaas ku so dhamaatay 2-2.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *