Q20: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Maalintiii Xigtay. Cali iyo Cayuuni jaamacadda ayey isku raaceen. Xiisadda ayey soo qaateen kadibna usoo baxeen bareeg.

Cali iyo Cayuuni Maqaayad ayey galeen waxa ay dalbadeen cunto.

Cayuuni iyo Cali oo cunto wada cunaayo gacanta cali waxa ay ku dhacday Cayuuni Cajarkeeda.

Cali marka ay ku dhacday ayuu yiri: “abaayo iga raali noqo si kedis ayey gacanta igaga dhacday”

Cayuuni: “Dhib uma arko waayo Jirkaan adiga keligaada ayuu sugayaa qof kale inuu taabto uma ogoli”

Cali iyo Cayuuni waa ay kasoo tageen Maqaayadda waxa ayna yimaadeen jaamacadda.

Cayuuni oo ah gabadh jiliinka ku badan ayaa inta wiilal meel taagan u tagtay ayey ku tiri gacanta iga qabta waxaan rabaa wiilkaasi inuu dareemo wax maseer ah.

Wiilasha wiil ka mid ah atyaa gacanta ku dhegay.

Cayuuni ayaa u yeertay Cali oo meesha ka dheereyn, Balse uma imaanin.

Cayuuni: “Aboowe Cali haddii uu kuugu jiro Wax yar oo dareen ah ama naxriis ah kaalay nimankaan iga dhici”

Cali oo hadalkaasi maqlay ayaa is-celin waayey, kadibna waa uu u tagay wiilasha halkaasi oo uu ku galay dagaal.

Cayuuni markii nimanka laga soo celiyey ayey Cali ku tiri; “Maantay waxaan ogaaday inaad i jeceshahay

Cali: “Waxaasi ma jiraan oo banii’aadan nimo ayaan kaaga soo celiyey  nimanka”

Cayuuni: “Haddii aadan wax dareen ah ii heynin cadeymo ayaan heystaa oo ah gacanteyda oo weli ku dhegan tahay”

Cali: “haye taasi cadeyn ma ahane waan ka fuqay Gacantaada oo inaa heystay maba ogeyne”

Cayuuni: “Calaa kuli Xaal cadeymo Buuxdo waan kaa heystaa waana hubaa qalbigaada inaa boos ka heli rabo”

Cali: “Warka badan joojiye Xiisadda bilaawatay ee ina wad”

Cayuuni: “Haye Aboowe ina xarey”

Xoogaa marka ay xiisada socotay

Maamulaha Ardayda (Academic Director) ayaa Fasalka soo galay waxaa uuna fasalka kasoo bixiyey Cayuuni iyo Cali oo xafiiska ayaana loo waday

Maamulka: “Cali waa markii ugu Horeysay oo Jaamacadda dagaal ka dhaco taasi oo u sabab ah arimo jacayl, Haddii aad jeceshahay waa inaad dhawrtaa ee ma ahan inaad wiilasha dagaal la gasho”

Cayuuni: “Macalin dhib cali ma lahan, anigaa sabab u ahaay oo u yeeray isaga, haddii uu markii ugu horeysay ii imaan lahay dagaal ma dhici laheyn balse daahida uu isaga sameeyey ayaana sabab u aheyd dagaal inuu dhaco, Kana raali ahaada mar kale dagaal ma dhici doono”

Cali waxa uu eegmada ku badiyey Cayuuni isaga oo fiirinaya ayaana lagu yiri Haye socda oo xiisadiina gala.

Cayuuni iyo Cali marka ay banaanka usio baxeen kadib Cali ayaa ku yiri Cayuuni: “Runti Gabadh wanaagsan ayaad tahay, waayo dhibka aan aniga sameeyey ayaaba dusha saaratay, Haye ka gudub xiisadda aan soo qaadano oo dhammaad ayey ku dhaw tahaye”

Cayuuni: “Waxaad ii sameysay ayaan aniga kuu abaal gudaayey, inaa ku difaaco waa mid waajib igu ah waayo Dhawaan inaa ku helo rajeynayaa, ee ina mari aan xiisadda qaadane”

Cali: “Adiga weligaaba rajo ku noole iska ahow”

Cayuuni: “Waan ahaan doonaa”

Cali iyo Cayuuni fasalka ayey galeen

Saacad kadib

Cali iyo Cayuuni Xaafadda ayey adeen, xoogaa kadibna guriga ayey yimaadeen.

Cali aabbihiisa oo guriga joogay ayaa ku yiri: “ilmaheygow waa la ii soo sheegay Cayuuni inay wiilal foodeeyeen, Cali isaguna in uu dagaal la galay wiilasha, Laakiin waxaan idiin dhihi lahaay wanaaga badiya Dagaalkana iska joojiya”

Cali Hooyadiisa: “Cali inuu Dagaal u galo Cayuuni waa mud waajib ku ah isaga maadaama ay kala dhashay labo walaalo, laakiin degnaanta badiya dagaalkana iska dhaafa”

Cayuuni: “Hooyo iyo Aabbo sax waaye wanaaga waa inaa badinaa, Balse gabadh wiil gacanta ka qabanayo si xoog ah miyaa laga aamusi karaa jawaabtu waa maya, intaasi ayeyna aheyd wax meesha ka dhacay”

Cali: “Gabadha habaryarteyda dhashay waa mid hadal aan lagu gaarin, Wax walba jawaab ayey u heysaa, markii naga wacay Xafiiska ardayda sida ay u hadashay weli waan xusuustaa, masha allah alle ha inoo dhawro dumarkeenna”

Aaaamiin aamiin ayey wada dhaheen dhamaantooda.

Cayuuni qolka gabdhaha ayey gashay.

Cali isaguna qolka wiilasha ayuu galay, kadibna waxa uu galay qadka internet-ka balse ma uusan arkin Online-ka Canab, waxa uu niyada ka dhahay “Tolow maxaa helay Canab labo maalin ayey maqan tahay wax jawaab ahna kama arkin, balse waan iska sii sugayaa Inay soo hadashao Canab”.

Cayuuni Maalmaha u kala wacan oo maalinba maalinta ka dambeysa waxa ay dareemeysaa Cali inuu usoo dhawaanayo.

La soco Qeybta Xigta Inshaa Allah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *