Q19: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Saacado kadib. Cayuuni bareega ayey usoo baxday kadibna waxa ay teleefoonka ka wacday Cali. Isaga oo guriga jooga kuna jira qolka ayaa ka qabtay Teleefoonka cayuuni

Cayuuni: “Aboowe canab miyey baxday?”

Cali: “Haa abaayo, war iga sii jaamacadda”

Cayuuni: “Masha allah waaye arinkaadana anigaa xaliyey oo attendence-ka sax ayaa laguu saaray”

Cali: “Mahadsanid abaayo”

Cayuuni: “Mahadsanid waad i dhaheysaa abaayo iyaduna waad i dhaheysaa taasi sax ma ahane waan isku leenahay aboowe”

Cali: “Haye abaayo”

Cayuuni iyo Cali sidaasi isku macsalaameeyeen.

Cayuuni Waxaa usoo socota maalmihii wacnaay waayo Waxaa meesha ka dheeraatay Gabadhii canab aheyd.

Cayuuni Jaamacadda waa ay ka timid, marka ay guriga timid Xoogaa ayey joogtay Kadibna Cali iyo Wiilasha ayey u geysay Qadada.

Cali marka uu raashinka soo cunay waxa uu usoo baxay banaanka si uu hawo ugu qaato.

Cali oo banaanka fadhiya waxaa soo ag-martay Cayuuni, Cali waxaa usoo carfay Baraafuun aar u carfoon, kadib ayuu u yeeray Cayuuni.

Cayuuni kolka ay u timid waxa ay tiri; “Haye aboowe Warka isii”

Cali oo lasii jaanqaadaya carafta baraafuunka Cayuuni, ayuu ku yiri; “abaayo Caraftaada ayaaba i dhexqaadeysa Maxaan war ku siiyaa”

Cayuuni: “Aboowe inaa caraf ahay keliya miyaa ku dhex-qaadeysa, ka gudubee Arintii aad qabsaneysay 3 bilood mar hore ayaa lasoo dhaafay, anigana iska suganaayey ee maxaa jawaab ah iga heysaa”

Cali: “Arintaasi weli Kor u hay oo lama heli karo waaye, ee baraafuunkaasi igusoo deeq waan ka helayee”

Cayuuni: “Aboowe arintaasi dhawaan waxaan ka dhigi doonaa waa la heli karaa igana qor taasi, baraafuunkana diyaar waaye anigaa ku siin doono”

Cali waa loo keenay Baraafuun xiran, kadib ayuu yiri: “Adiga ganacsato miyaad tahay, waayo mid xiran ayaaba kuu yaala midna waad isticmaashaa”

Cayuuni: “Aboowe adigaan kuugu talo galay, jaanis aan kuugu siiyo ayaan raadinaayey, Balse adigaaba dareemay sidaasi ayaana kuugu keenay, waana taas hordhaca helitaankaada”

Cali: “Waxaasi ma jiraane inoo mar kale”

Cayuuni waa ay kasoo tagtay Cali, Balse waxaa aragtay Cali Walaashiisa.

Cali walaashiisa: “Haye abaayo miyaad jeclaatay Walaalkeyga”

Cayuuni: “Maya abaayo waxaasi ma jiraan”

Cali walaashiisa: “Abaayo waxaasi inaga dhaafee runta ii sheeg oo waxaan isla nahay asxaabo haddana walaalo ah”

Cayuuni: ” Haa Dabcan abaayo Waan ka helay oo waan jeclaaday isaga”

Cali Walaashiisa: “Haa waa beelo markaasi, waayo mar ayaan is-dhahay Cali iyo Canab waa ay isku qalmaan oo waa gabadha keliya ee siin karta farxad, Canab inuu guursado maba jecleyn, Balse adiga ayaaba jeclaatay, iguna haley caawa ayaan soo celin doonaa ciyaarihii aan wada ciyaari jirnay, Adiga iyo Cali waxaan idinka dhigi doonaa dad isla jira ciyaarta, taasi waxaa gacan iga siin doona wiilasha oo aan la wadaagi doono arinkaada”

Cayuuni: “Abaayo jirto ayaad tahay waana kaa filaayey inaad isiineyso garab”

Cali hooyadiisa ayaana hadalka Cayuuni iyo Gabadheeda maqashay, kadibna inta ay u imaaday ayey ku tiri, “Aniga iyo Aabbaha waxaan noqon doonaa Garsoorayaasha Ciyaarta, dhamaan Wiilasha iyo Gabadhaha u wada sheega inay ciyaarJirto Caawa”

Cayuuni: “Haye habo waan u wada sheegi doonaa”

Saacado kadib

Dhammaan Qoyska oo idil waxa ay isku wada yimaadeen Darjiinka guriga.

Cali Hooyadiisa iyo Aabbihiisa ayaana Garsoorayaal ka ah Ciyaarta.

Cayuuni iyo Cali ayaana la isku dookhay oo hal koox wada noqday.

Wiilasha iyo gabadha kale labo 3 koox ayaa kasoo baxday.

■ Ciyaarta la dheelayana waxaa waaye 4 Waraaqado oo yar-yar ah ayna ku qoran tahay qoraalo oo ah:

▪ Qalbigaada waxa ku jira ka hadal

▪ Haddii aad guursato sidee ula dhaqmi laheyd Qofka is guursateen.

▪ Qofka kula jira waad xambaareysaa

▪  Lugaha ayaad ka dhaqeysaa.

Cali marka loo sheegay intaasi ayuu yiri: “Aniga Baabkaani kama bixi karo ee ciyaarta ha la iga saaro”

Cali Aabbihiisa: “Wariyaa Rag ma tihid miyaa?, Fuleynimada maxaa waaye Ciyaar waaye nasiibkaada tijaabi”

Cali: “Haa haye waan ogolahay”

》 Ciyaarta waxaa lagu daahfuray Cali Walaashiisa iyo Walaakiisa.

Nasiibkooduna waxa uu wada noqday midba midka kale inuu ka hadlo waxa uu qalbigiisa ku jiro.

Cali Walaalkiisa: “Habeen Hore waxaan ku riyooday Maroodiga dhediga ah ee Qalanjo in ay jeclaatay Libaaxa Labka ah ee Aar, Maroodiga Qalanjo Jacaylka ay u qabto Libaaxa uma sheegan karto oo waa cabsaneysaa, Mar weliba Waa ay quudisaa” intaasi ayaana hadalkeyga kusoo xiray.

Sarbeeb Sheeko ah

Cali Walaashiisa: “Qalbigeyga waxaa ku jira riyo Aan ku riyooday Habeen Dhexdaasi ah Cayuuni oo la aroosay Kaasi oo aroosay Ruux agteyda Qaali ku ah, Balse ma ogi ruuxa uu noqon doono” intaasi ayaana kusoo xiray hadalkeyga

Cali Hooyadiisa oo arinta fahamtay ayaa isla yar hadashay iina isku tiri; “Ilmaha xaataa miyey ogaadeen Cayuuni inay jeceshahay Cali” isla hadal kadib.

》kooxda ku xigta waxaa waaye Cali iyo Cayuuni.

Cayuuni iyo Cali waxaa usoo wada baxday Labo Nasiib.

Cali waxaa usoo Baxday inui qaado Cayuuni.

Cayuuni waxaa usoo Baxday inay Lugaha u dhaqdo Cali.

Cali intuu Dhexda qabtay Cayuuni ayuu kor u qaaday waxa uu dareemay Xoogaa soo dhawaasho ah isaga oo qaab dhismeedkeeda qaar jirkiisa taabteen, kadibna waa uu soo dhigay dhulka si tartiib ah.

Cayuuni Biyaha ayey soo qabsatay, kadibna Waxa ay bilawday inay Lugaha ka dhaqdo Cali, iyada oo ku dhaqeysa so dareen leh.

Cali waa lasoo galay oo waxa kusii kordhaya Dareenka Cayuuni.

Cayuuni Dhaqitaanka lugaha cali waa ay soo dhameysay.

Cali Hooyadiisa iyo Aabbahiisa waxa ay wada dhaheen, “Ciyaarta labadaan Koox keliya ayaa caawa dheeshay waxaa Guusha wada qaaday Cali iyo Cayuuni, waxa ay soo bandhigeen Labada is-qabta sida ay isku siin lahaayeen Noloshooda oo ah mid farxadeysan, halkaasi ayaan kusoo dhameynay ciyaartaan”

Cali marka lasoo dhameeyey qolkiisa ayuu galay isaga oo isku tuuray sariirtiisa kadibna galay xusuuso ah marka uu kor u qaadayey Cayuuni iyo Markii lugaha ay u dhaqeysay, Xooga markuu xusuus galay ayuu yiri: “Runti waxa maantay i helay ma ogi waayo Gabadha aan iska fogeyn jiray ayaaba maantay i dareensiisay Dareen waali ah, Balse waa inaa ilaaliyaa Balanta Canab”.

La soco Qeybta Xigta Inshaa Allah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *