Liverpool Oo La Wareegtay Hoggaanka Premier League, Xilli Ay Guul Ka Gaareen kooxda Everton.

0

Kooxda Liverpool ayaa la wareegtay hoggaanka Premier League kadib markii ay laba goal iyo waxba ku suuldaareen kooxda deriskooda ah ee Everton oo 10 ciyaaryahan ku ciyaareysay inta badan ciyaarta kulan xiiso laha oo ka dhacay Anfield.

Goal rigoore ahaa oo uu dhaliyay Mohamed Salah iyo goal kale uu dhaliyay waqtigii dhimashada ciyaarta ayey Liverpool ku garaacday Everton oo uu casaan ka qaatay qeybtii hore ee ciyaarta Xiddiga Ashley Young.

Natiijadaan ayaa la micno ah in ay Liverpool la wareegtay hoggaanka Premier League inkasta oo ay 20 dhibcood la wadagaan Kooxda Tottenham iyo Arsenal iyada oo Reds ayaa farqiga goalasha hoggaanka ku heysa.

Qeybtii hore ee kulanka ayaa aheyd mid xamaasad leh iyadoo Liverpool ay la soo baxday ciyaar dardar leh, balse isku daygooda wuxuu ahaa kaliya darbooyin dhaadheer madaama Everton ay difaac adag ay xiratay.

Balse daqiiqadii 37-aad Everton xaalka ayaa ku sii xumaaday markii waayo aragooda Ashley Young uu qaatay kaar casaan, kadib qalad uu ku galay xiddiga Liverpool ee Luis Diaz.

Waa kaarkii 23-aad ee casaan ah ee la bixiyo kulankaan Merseyside Derby ee horyaalka Premier League, iyada oo kulankaan uu horayba u heystay rikoorka casaanka ugu badan ee kulan Premier League ah.

Goolal la’aan barbaro ah ayaa lagu nastay qeybtii hore Ciyaarta.

Inkasta oo ay Everton 10 ciyaaryahan ku ciyaareysay qeybtii labaad haddana waxay xadideen halista kooxda Liverpool iyaga oo difaac darbi ah ka xirtay.

Ciyaaryahanka reer Colombia Luis Diaz ayaase xujo ku noqdo kooxda Everton iyada oo Diaz rigoore laga diiday daqiiqadii 71-aad markuu qalad ku galay Petterson.

Laakiin labo daqiiqo kadib Diaz ayaa rigoore loo dhigay markii karoos uu soo dhigayey uu gacanta ku celiyay Keane. Rigoorada waxaa usoo istaagay Mohamed Salah oo darbo kulul shabaqa dhex dhigay hoggaankana u dhiibay Reds.

Xilligii dhimashada ciyaarta Liverpool ayaa heshay gool labaad oo ay ku xaqiijiyeen guusha, kubbad rogaal celis ah oo uu soo jiiday Darwin-Nunez waxa uu si deeqsinimo ah uu u siiyay Mohamed Salah oo shabaqa ku hubsaday.

Waxa ay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Liverpool ku badisay iyaga oo haatan la wareegay hoggaanka horyaalka Premier League.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *