Sheeko Wareer iyo Qosol Badan

0

Gabadh wariye ah ayaa wareysaneysay Nin beeraaley oo heysta labo dibi midna cad yahay midka kale madow yahay.

Gabadhii wariyaha aheyd ayaa ku tiri : maxaa ad cunto ahaan ku quudisaa?”.

Ninkii Beeraleyga ahaa ayaa ku yiri : “ma kan cad mise kan madow?”

Gabadha Waxa ay ku tiri : “kan madow”

Ninka ayaa ku yiri : “cows Ayaan ku quudiyaa”

Gabadhii ayaa ku tiri: “kan cadna?”

Ninkq waxa uu ku yiri : “sidoo kale cows ayaan ku quudiyaa”

Gabadhii ayaa ku tiri : “halkee ayaa ka waraabisaa ama Biyonka siisaa?”

Ninka wuxuu ku yiri : “ma kan cad mise kan madow?”

Gabadha ayaa ku tiri : “kan madow”

Ninka ayaa ku yiri : “webiga”

Gabadha ayaa ku tiri : “kan cadna”

Ninka ayaa ku yiri : “sidoo kale webiga”

Inta ay yaabtay ayey ku tiri: “haddii aad isku si u cunto siiso una waraabiso maxaa aad iigu haysaa ma kan cad mise kan madow?”

Ninka ayaa ku yiri : “sababta oo ah kan madow anigaa leh”

Gabadha ayaa ku tiri : “kan cadna”

Ninka ay ku yiri : “sidoo kale anigaa kan cadna leh” 😂 wareer. Kadib gabadhii wariyaha ayed waa ay ka tegtay.

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *