Markii ugu horeysay Mohamed Salah Oo Si Murugo Leh Uga Hadlay Xasuuqa Yuhuudda Ee ku Heyso Falastiin Iyo Baaqa Uu Diray

0

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa muuqaal qiiro leh oo uu soo duubay waxa uuna markii ugu horeysay kaga hadlay xasuuqa ay Yuhuudda ku hayso Falastiiniyiinta, gaar ahaan carruurtii xalay lagu laayay isbitaal ku yaalla magaalada Qasa oo ay ku dhinteen ku dhowaad 1,000 qof oo u badan dumar iyo carruur.

Wasiirka caafimaadka Falastiin ayaa sheegay, in ugu yaraan 4,000 qof ay Yuhuuddu ku dishay duqaymaha ay ku hayso marinka Qasa labadii toddobaad ee ugu dambeeyey, isla markaana tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen, halka Israa’iil ay dhinaceeda sheegtay in Xamaas ay ka dishay ku dhawaad 1,3000 qof, tiro ka badanna ay kaga dhaawacmeen.

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara xulka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa muuqaal uu soo duubay oo uu barihiisa bulshada soo geliyey, waxa uu ugu baaqay madaxda adduunyada, in gurmad degdeg ah loo fidiyo maatada falastiin ee lagu xasuuqayo Qasa, sidoo kalena lagu qasbo Yuhuudda inay ay joojiyaan duqaymaha ay ku hayaan shacabkaas.

Muuqaalkan oo laga arkaayay sida uu Mohamed Salah uga qiiraysan yahay falkan foosha xun, ayaa waxa uu ku yidhi: “Dhamaan nafaha binu-aadamku waa ay karaamaysan yihiin, waxaana waajib ah in la ilaaliyo. Waxaynu u baahanahay in aynu joojino tan. Qoysas badan ayaa la kala geeyey, waxa hadda muuqda ee iska cad waa in ay waajib tahay in loo ogolaado in si degdeg ah uu gargaarka binu-aadanimadu u gaadho gudaha Qasa. Shacabka Qaza waxay ku jiraan xaalad argagax ah.

“Muuqaallada isbitaalkii xalay la duqeeyey waa uur-ku-taallo ah. Dadka Qasa waxay u baahan yihiin cunto, biyo iyo daawooyin si degdeg ah. Waxaan madaxda calaamka ugu baaqayaa inay ka hor tagaan in ay dhacaan falal kale oo bahalnimo ah oo lagu gawracayo dadka aan waxba galabtan. Bini-aadannimada waa in ay jirtaa.”

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *