6 Habdhaqan oo Dila Sumcadda Iyo Sharafta Qofka, Dadkuna Ay Ku Nacaan

0

Qormadaan waxa aynu  ku eegaynaa habdhaqanka dadka qaarkii ula muuqda in ay fudud yihiin, oo la ogaaday in ay Qatar ku yihiin xaaladda nafsiga ah ee qofka, tamartiisa iyo sumcaddiisa. Waxa kale oo aynu raacin doonnaa tusaaleyaal ay xeeldheereyaal u hayaan qofka doonaya in uu dabeecadahaas ka guuro.

Beenta Joogtada

Is-muujinta iyo inuu qof ama dad kale wanaagiisa tuso ayaa dadka qaar ku kallifta in ay been sheegaan. Beenta oo ay aadka ugu dheereeyaan waxaa ka mid ah inay buunbuuniyaan ama sheeg-sheegaan guulahooda iyo horumarka ay gaareen ama soo kordhiyeen.

Xaqiiqada beentu goor ay gaadhaba waa ay fashilantaa. Marka ay bulshadu ogaatana waxaay abuurtaa in uu hoos u dhaco ixtiraamka iyo wanaagga qofka loo hayey, illaa ay gaadho in qofku uu waayo xiriir daacadnimo iyo soo dhoweyn uu bulshada ka helo.

Iska ilaali in aad been sheegto, xitaa haddi ay yar tahay, ama aad aaminsan tahay in ay tahay been aan dhayal lagu ogaan karaynin.

Canaanta badan

Waxaa jira dad khaladaadka ka dhaca iyo gefafkooda u raadiya sabab cid kale ka timid, ama canaanteeda cid kale u xambaariya. Waxaase aanay dareensanayn in qofka oo qiran waaya qaladaadkiisu, ay tahay calaamad muujinaysa in aanu mas’uul ka ahayn ficilladiisa.

Waxay aqoonyahanada cilmiga bulshadu xaqiijiyeen in qofka oo qaladaadkiisa qaadan waaya ay tahay calaamad bulshada ku xeeran ee arkaysaa ay ka qaadan karto inaanu xil kas ahayn ama aadan diyaar u ahayn in uu mas’uuliyaddiisa qaato, taasina ka fogeyso.

Shaqo aad aqoonteeda ama xirfaddeeda aqoon u leedahay ha uga joogsan cabsi aad ka qabto inuu qalad kaa dhaco. Haddii oo uu gef ka dhaco shaqo aad haysatayna qiimee oo qaado mas’uuliyaddiisa, adiga oo aan ka leexanetnin u sheeg cidda ay tahay in ay ogaato khaladkaasi. Waxa keliya ee muhiimka ahi waa inaad daraasayso sida uu ku dhacay, kalana soo baxdo casharro aad ka barato xeeladda iyo waayo-aragnimada aad kaga badbaadi karto in uu qaladkaasi mar kale soo noqdo.

Dareenkaaga dhabta ah Ha qarsan

Qofku in uu dareenkiisa dhabta ah qariyaa waa calaamad muujinaysa in aanu ku dhac u lahayn galaangalka iyo la macaamilka bulshada ku xeeran. Waxaa jiri kara sababo kala duwan oo qofka ku kallifaya inuu dareenkiisa qariyo, waana suurtagal in mararka qaarkood suurtagal loo arko. Laakiin waxa ay aqoonyahanadu isku waafaqsan yihiin in joogtaynteeda ama si guud marka loo qiimeeyaba ay tahay calaamad fulaynimo.

Ku dadaal in aad dareenkaaga muujiso. Adiga oo qarisaa Dareenkaaga waa khilaaf iyo is la jaanqaadida waa ku dhex jira naftaada iyo dareenkaaga, waana arrin uu qof kasta oo indhahaaga iyo wejigaaga eegaa dareemi karo. Sidaas awgeed in aad dareenkaaga qariso waxaa ka fiican inaad baraarahaaga dhiibto, sababtiisana sheegto, haddii lagu qanciyana aad tanaasusho. Waa sida keliya ee qofku heer kasta oo uu xiriirikiinu gaarsiisan yahay, uu ku qiri karo in aad run badane tahay. Kalsooni dheeraad ahna kuu gelinaysa bulshada.

Isla wanaagsanaanta

Dabeecadda aadamaha in la kala aragti duwanaado iyo in labada qof ay doodi dhex marto, waa muhiim haddii dood iyo aragti is dhaafsi la isugu yimaaddo inaad aragtidaada si cilmi iyo caqli ku dhisan u difaacdo, Laakiin ha noqon qof waqti kasta ku hawlan rumaynta fikirka uu qabo, xitaa haddii sheeko caadiya la wadaagayo. Ogow dad kale in ay xaq u leeyihiin in ay fikradooda muujiyaan, xitaa haddii aad adigu ka saxan tahay.

In muran ama dood kasta aad ku gacansarraysaa yaanay noqon ujeedadaada ugu weyni, balse ha noqoto inaad aragtidaada soo dhigto, xujadaadana caddayso xitaa haddii aanu qofka ku dhegeysanayaa ku qancin.

Wax kastaa ha wanaagsanaado

In shaqo kasta oo aad qabanaysaa ay noqoto mid aan ceeb laheyn oo dhammaystirani waa arrin wanaagsan. Wana waxa ugu fiican ee ay dadka oo dhami ay hiigsadaan, markay hawl u dhaqaaqaan. Laakiin su’aasha muhiimka ah waxay tahay, ‘Suurtagal ma tahay in wax kastaa ay ceeb la’aan ku dhammaadaan?.

Su’aashaas Jawaabteedu waa ‘Maya’ oo dabeecadda adduunyada ayaaba sidaa caddaynaysa. Hadaad ceeb la’aan wax kasta u raadisana waxay khubarada caafimaadku kaaga digayaan in waxa keliya ee aad ka faa’iidi doontaa uu yahay Khalkhal neerfeed iyo caafimaad darro.

Shaqo kasta oo aad bilaabayso sida ugu quruxda badan u qorshe adiga oo aqoon iyo waayo-aragnimu u adeegsanaya, una talo badsanaya, laakiin ku sii talagal in shay kastaa uu fashilmi karaan ama dulduleelooyin aan marka hore la sii filayn yeelan karo.

Dib u dhigashada

Shaqada aad maanta qaban karto, berri ha u dhigan. Sababtoo ah, ma hubtid caafimaadkaaga berri iyo hawlaha kugu soo kordhi doona, ama xitaa noloshaada. Hadaad arrimaha muhiimka ah dib u dhigato waxaa hubaal ah in si adan dareemin aad u waayi doonto fursado badan oo muhiim u ahaan lahaa noloshaada ama taariikhdaada.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *