5 Kulan Oo Loo Qabtay Erik Ten Hag In uu Ku Badbaadsado Shaqadiisa

0

Tababaraha kooxda Manchester United ee Erik ten Hag ayaa loo qabtay shan Kulan oo uu isku badbaadiyo, kuwaas oo haddii uu natiijooyin fiican ka keeni waayo laga cayrin doono shaqadiisa Old Trafford.

Ten Hag oo xilli ciyaareedkiisii koowaad ee Old Trafford uu ahaa mid wanaagsan oo uu u qaaday koobka Carabao Cup, sidoo kalena uu usoo saaray tartanka Champions League, ayaa hadda ku dhibaatoonaya horyaalka Premier League.

Toban Kulan oo horyaalka ah oo ay dheeleen ayaa laga badiyey shan ka mid ah, sidoo kalena saddex Kulan oo Champions League ah ayaa la garaacay laba ka mid ah, waana rikoor guul darrooyin ah oo aanay kooxdaasi rumaysan karayn.

Naadiga Red Devils oo xagaaga lacago badan kasoo bixisay Mason Mount, A.Onana iyo R. Hojlund, sidoo kalena amaah kusoo qaadatay Amrabat iyo Sergio Reguilon ayaa natiijooyinka aan fiicnayn ee ay ka keenayaan garoomadu waxay halis gelinaysaa shaqada Erik Ten Hag.

Warbaahinada waddanka Ingiriiska ayaa sheegtay, in Manchester United ay ka fiirsanayso in ay shaqada ka cayriso Erik ten Hag oo ay ku beddesho Tababarihii hore Real Madrid ee Zinedine Zidane haddii uu ogolaado, halka ay sidoo kalena soo bandhigeen shan Kulan oo go’aaminaya mustaqbalka Erik ten Hag.

Kulanka koowaad ayaa ah kulanka caawa ee Newcastle United ee wareegga 16-ka Carabao Cup oo laga doonayo in uu guul ka keeno, kooxdana usoo saaro siddeed dhamaadka.

Waxa ugu xiga KulankaFulham ee horyaalka Premier League iyo ciyaarta adag ee FC Cophenagen ee Champions League, taasoo haddii laga badiyo ay halis geli doonto fursadda ay ugu soo bixi karayaan wareegga 16-ka Champions League.

Waxa kale oo ciyaarta afraad ah kulanka Galatasaray ee Champions League iyo laba kulan oo kale oo xigaya oo ah Newcastle United iyo Chelsea oo horyaalka Premier League ah, waxa aana Shantasi kulan laga doonayaa inuu guulo waaweyn kasoo hooyo Erik ten Hag, haddii kale waxa uu lumin doonaa shaqadiisa.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *